Xukuumadda ROOBLE oo si deg-deg ah u ansixiyay miisaaniyad dhan $200M

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda KMG ah oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyada, taasi oo u gudbiyay Wasiirka wasaaradaas, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan $206,474,223, taasi oo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan.

Wasiir Bayle oo sharaxaad ka bixiyay Miisaaniyadaan ayaa sheegay in sanadkaan xildhibaanada u suurtagali weyday inay ansixiyaan miisaaniyada, sidaas darteedna u keeneen Golaha Wasiirada oo si deg deg ah u ansixiyay, maadama uu sharcigu siinayo in saddex bilood ay isticmaalaan Miisaaniyada KMG ah.

“Waxaa aad ugu faraxsanahay Golaha Wasiirada uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha ay maanta ansixiyeen Saddex bilood, taasi oo ka bilaabmi doonta bisha April 1-deeda, kuna dhamaan doonta 30-ka June,” ayuu yiri.

“Waxa rajeynayna intaas u dhaxeysa saddexda bilood in uu fadhiisto Baarlamaanka oo dowlad cusub ay dhisanto oo kadib Miisaaniyadii oo hagar la’a dib loo keeno oo la ansixiyo.”

Miisaaniyada KMG ah ee uu maanta meel-mariyay Goluhu ayaa muhiimad u ah sii socoshada howlaha dowladda, xili uu dalka ku jiro marxalad kala-guur ah iyo arrimaha doorashooyinka.