Xukuumadda Somaliland oo dib u fasaxday qaadka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay fasaxday qaadkii lasoo iib geyn jiray deegaanadeeda, iyadoo mudadii xayiraada ee la saaray ay ka harsantahay afar cisho.

Warqad kasoo baxday xaafiiska Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isla markaana lagu socodsiiyey ganacsatada qaadka ayaa lagu cadeeyay in laga bilaabo Axada berito la fasaxay qaadka. Iyadoo lagu xusay qoraalka todoba qodob oo ah habraac caafimaad oo ganacsatada looga baahanyahay inay ilaaliyaan.

“Iyada oo ay ka harsan tahay waqtigii mudo ku siman afar cisho, waxa uu guddiga COVID-19 go’aamiyey in la fasaxo wixii ka dambeeya berrito oo Axad ah, uu qaadku u imaan karo sidiisii caadiga aheyd, waxayna guddigu soo saareen qodobo habraac ilaalinta cafimaadka bulshada ah, kuwaas oo ay khasab tahay in la ilaaliyo ganacsatada qaadka iyo dadka is ticmaalaba” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qodobada ugu muhiimsan habraaca caafimaad ee kasoo baxay guddiga COVID-19 ee Somaliland waxaa ka mid ah in qaadka ay soo iibin karaan oo kaliya laba qof.

In dadka ay wax kasoo iibsanayaan ay u jirsadaan laba mitir, inay xirtaan qalabka afka iyo gacmaha ee looga taxadaro faafitaanka cudurka Coronavirus.

In dadka iibsada qaadka aysan iskugu imaan marfashyada qaadka, sida xilliyadii hore iyo sidoo kale maqaayadaha lagu qayilo.

Hoos ka aqriso warqadda