26.3 C
Mogadishu
Sunday, May 24, 2026

Xuuthiyiinta oo mar kale ka digay xiriirka Somaliland iyo Israel, kuna hanjabay dagaal

Bookmark
Bookmarked

Share

Sanca (Caasimada Online) – Mahdi al-Mashat, oo ah madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda ee Xuutiyiinta, fadhigiisuna yahay magaalada Sanca ee dalka Yemen, ayaa dhaleeceeyay tallaabooyinka ay Somaliland ugu dhaqaaqday xiriirka Israel, isaga oo ku tilmaamay “qalad halis ah” oo aan la aqbali karin, khatarna ku ah Yemen iyo xasilloonida gobolka.

Hadalka al-Mashat ayaa ku soo beegmay xilli Somaliland ay soo dhoweysay magacaabista ergayga Israel u qaabilsan Hargeysa, halka Somaliland-na ay sheegtay inay safaarad ka furaneyso magaalada Qudus, oo ay Muslimiintu u yaqaannaan Baytul Maqdis, isla markaana ah goob barakaysan oo ku taalla dhulka Falastiin ee la haysto.

Al-Mashat ayaa sidoo kale ka digay weerar kasta oo cusub oo Mareykanka ama Israel ay ku qaadaan Yemen iyo gobolka intiisa kale, isaga oo sheegay in Sanca ay diyaar u tahay inay ka jawaabto waxa uu ugu yeeray gardarro cusub.

Wuxuu sheegay in ciidamada Xuutiyiinta ay diyaar u yihiin inay sii wadaan dagaalka illaa laga xoreynayo “meesha ugu dambeysa” ee dhulka Yemen, isaga oo mar kale xaqiijiyay taageerada Sanca ay u fidiso Falastiin, Lubnaan iyo Iiraan.

Khudbad uu jeediyay munaasabadda sanad-guurada 36-aad ee midnimada Yemen ayuu ku sheegay in Mareykanka iyo Israel aysan hadda qarinayn waxa uu ku tilmaamay mashruuca “Israel Weyn”. Wuxuu intaas ku daray in dagaalka ka dhanka ah Iiraan uu ujeedkiisu yahay in meesha laga saaro caqabadda ugu weyn ee hortaagan qorshayaasha Israel ee gobolka.

Al-Mashat ayaa sidoo kale ka digay in Israel ay sii waddo waxa uu ku tilmaamay gardarrada ay ku hayso shacabka Falastiin iyo Lubnaan. Wuxuu ku boorriyay dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka inay qaadaan tallaabooyin dhab ah oo lagu joojinayo waxa uu ugu yeeray dambiyada Sahyuuniyadda, halkii ay ku ekaan lahaayeen qoraallo cambaareyn ah oo kaliya.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Yemen aysan aqbali doonin qorshe kasta oo lagu kala qeybinayo dalkaas, ama isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo midnimadiisa. Wuxuu Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ku eedeeyay inay doonayaan inay Yemen u kala qeybiyaan kooxo iska soo horjeeda, iyagoo adeegsanaya dagaal, go’doomin iyo taageero ay siiyaan dhinacyo ay xulafo la yihiin.

- Advertisement -

Read more

Local News