Yaa dadka danahooda daryeela?

Maalmahaan waxaa la xusaa sannad-guuradi ka soo wareeegtay doorashadi Madaxweyne Farmaajo waxaana dadka badankiisu u arkeen in horumar lagu tallaaabsaday intey la ekaataba. Dhacdo kasta ee dal soo marta ninba si u arag.  Waxaa jira dad aragtidoodu ku wajahan tahay meelo aysan dadku badankiisu arag ama wax ka fiirin.  Haddii qiimeynta horumarka lagu cabbiro hab nololeedka guud iyo nabadgelyada waxaa meesha ka baxaya qaybihi kale ee nolosha kuwaasoo aad muhiim ugu ah dadweynaha qaar. Lama inkiri karo inay jiraan qaybo siyaasadda dalka ka mid ah oo aad u dayacan, dowladda maanta talisana ay ka gaabisay marka runta la sheego, taaqs oo ah arrimaha dibadda.

Dowladda M/weyne Farmaajo waxay aad uga gaabisay xagga arrimaha dibadda kaddib markii wasaaradda qaabilsan ay isaga dambeeyeen dad aan aqoon fiican u lahayn howlaha wasaaradda iyo baahida dadka Somaliyeed u qabaan adeegyada ay u xilsaaran tahay. Waxaa waajib ah in la xuso in safaiiradii la magacabay xilliga Farmaajo uusan midkoodna shaqadi ku negaan oo ay isaga soo tageen, iyagoo u arka inay xoogaa luflufki ay heli lahaayeen ka waayay meelihi la geeyay waxayna ku soo laabteen Xamar si ay jagooyin sar-sare ama wasiir u raadsadaan, waxaana u dambeeyay midki loo magacaabay Ingiriiska iyo qaar kale oo ka horeeyay oo isaga soo tegay safaaradihii

Waxaa jirta dhibaato aad u weyn oo heysata dadweyne tiro badan oo ku nool dalalka Aasiya sida India, Pakistan, Bangladhesh, Sri Lanka, Shiinaha iyo wadamada carabta, siiba Khaliijka oo ku safra baasaboorka Somaliga oo maanta naqday wax aan la heli karin ama ay adag tahay si loo cusbooneeyo, marka uu dhaco.

Dowladihi soo maray dalka siiba seddaxdi Madaxweyne ee ugu dambeeyay midkoodna kuma fikirin inuu dalkaan u sameeyo baasaboor adduunka ka socon kara oo la aqoonsan yahay, waana tii ku dhacday Madaxweyne Xasan Sheikh oo baasaboorki diplomaasiga ahaa uu sitay la yiri ma aqoonsanin..dowladda sidaa u dhaqmeysa waa mid xariir fiican la leh Somaliya. Madaxweyne Xasan Sheikh muxuu maanta ka qaban karaa dhibaatadaas oo khasabtay inuu safarkiisi u baajiyo arrimo uu waa hore xal u heli karay.

Nassib darro, Baasaboorkeena wuxuu shaqeeyaa seddax sano oo kaliya, lamana cusbooneyn karo, meesha qofku joogana lagama beddelan karo, ha ahaato Yurub ama Asiya midna. Sababtuna ma jiraan safaarado Soomaali oo shaqeeya una xilsaaran inay baasaboorada ka war qabaan xaalada ay ku sugan yihiin.

BAASABOORKA MAXAA CIMRIGIISA GAABIYAY?

Madaxda dalka ka talisa oo kala ah Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari maba rumeysna inay jiraan dad baasaboor ka dhacay, waayo kuwa iyagu sitaan wuxuu dhacayaa 5 sano ilaa 10 sano kaddib, mana la cusbooneeyo ee waa la beddelaa. Sababta saa loo yeelay maxay tahay? Dadka shakligooda ama muuqaalka wejiga ayaa isbeddeli kara, sidaa awgeed waa in sawir kale laga qaado qofka, kaddibna baasaboorka loo beddelo.

Dalalka Khaliijka qaarkood safaarado waa joogaan iyagoon wax shaqo ah u heyn dowladda iyo dadweynaha ku nool dalalkaas qofki baasaboor ka dhacana waa in Xamar loogu diraa!!! Bal ka warran kuwa jooga dalka Shiinaha oo wax ka barta iyadoo baasaboorki dhacsan yahay!!! Meelihi ay ka tageen kuma soo laaban karaan, meel ay baasaboor kale ka halaana uma muuqato..haddaba maxaa tala ah?

Waxaan soo jeedin lahaa in baasaboorka  laga dhigo mid la cusbooneyn karo oo LA RAADSHO DOWLADO SAXXIB NALA AH OO NOO QABTA HOWLAHIU AY SAFAARADI QABAN LAHAYD SIDA CUSBOONEYNTA BAASABOORKA FULIYANA WIXI KALE OO BAAHI AY U QABAAN SOOMALID MEELAHAAS M KU NOOL. 

Burburki ka hor waa jiri jireen dowlado wakiil nooga ahaa meelaha aan safaaradi noo joogin, waxaana ugu badnaa Talyaaniga oo meelo badan wakiil nooga ahaa.  Maanta waxaan hgeli karnaa dowladda Turkiga, Jabuuti iyo qaar kale oo la dhigo timbaraha cusbooneynta baasaboorka si dadkaan tabeeleysan ay u helaan wixi ay uga baahdaan safaarad…waa haddii wax layska maqlaayo oo la helo dowlad wax loo sheegi karo wixi loo shegana qaadata oon u fasirin talooyinka mucaarad ka soo horjeeda!!!

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid