Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa shaaca aka qaaday inay heshay Kiiska eedeysanayaashii loo qabtay dabkii ka kacay Xabsiga Kilinto oo ku yaal duleedka caasimadda, Addis Ababa.
Maxkamadda Sare ee dalka Ethiopia ayaa Kiiskaasi dib usoo xaqiijisay waxa ayna ku heshay 38 maxbuus oo ka danbeysay dabkii ka kacay xabsiga oo sababay dhimashada in ka badan 20 maxaabiis.
Dhalinyarada ay Maxkamada ku eedeysay Kiiskaasi, ayaa la sheegay inay kamid ahayen Maxaabiista ku jirtay isla Xabsiga Kilinto.
Xeer ilaalinta waxa ay sheegtay in 38 Maxbuus ay si kutala gal ah u gubeen Xabsiga, waxa uuna qorshahooda ahaa in Xabsiga ay ka dhex kiciyaan foodo, balse waxaa ka hortagay ilaalada Xabsiga.
Dhalinyarada loo heysto falka lagu gubay Xabsiga ayaa u xirnaa danbiyo kala duwan, waxaana xigay talaabadii ay ku gubeen Xabsiga.
Talaabadani ayaa waxaan ka hadal Hay’adaha xuquuqul insaanka oo iyagu u muuqda kuwo cadaadis kala kulmaaya Dowlada Ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

