Yaa iska leh gaariga UN-ka shaaciyey ‘inuu isku qurxin rabo’ magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu leeyahay gaari noociisu yahay Surf sumadiisuna tahay AH 2737, kaas oo ay dhowaan UN-ku shaaciyeen in laga yaabo in maalmaha soo socda uu  isku qarxiyo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle oo kasoo muuqday warbaahinta ayaa beeniyey digniinta kasoo baxday UN-ka, wuxuuna soo bandhigay gaariga oo uu sheegay in uu isagu leeyahay, islamarkaana ay been abuur yihiin wararka la faafiyey ee ah inuu qarax sido.

Sidoo kale ganacsadahan ayaa shaaca ka qaaday in qatar la galiyey naftiisa iyo maalkiisa, wuxuuna UN-ka ka dalbaday inay magdhow ka bixiyaan arrintaasi.

Ciise Xaaji Cabdulle oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in gaariga uu geeyey xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, kadibna la baaray, sida uu hadalka u dhigay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca UN-ka oo horey shaaciyey digniinta la xariirta in gaarigan uu sido walxaha qarxa.

Si kastaba muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa soo baxayey digniino kala duwan oo la xiriiro weeraro ay abaabuleyso kooxda, kadib markii ay bateen qaraxyada Muqdisho.