YAABKA MUQDISHO: Maqaaxidii maanta la qarxiyay oo Caawa lagu shaahayo (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta Qarax loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah uu ka dhacay Afafka hore ee Maqaaxida Banooda oo ku taalla inta u dhexeysa Taaladda Xaawa Taako iyo Daljirka daahsoon.

Qaraxa ayaa geystay Khasaaro kala duwan waxaana goobta ku kala cararay dhammaan dadkii ka agdhawaa Qaraxa, gaar ahaan dadkii ka cunteynaayay Maqaaxida Banooda oo mar sii horeysay la Qarxiyay.

Qaraxa kadib waxaa sida caadaduba aheyd goobta gaaray Ciidamada Dowlada iyo Gaadiidka Nadaafada ee Gobolka Banaadir kuwaa oo durbadiiba nadiifin ku bilaabay Goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Qaraxa iyo Nadiifinta kadib waxaa Caawa dib loo furay Goobtii ay ku dhaawacmeen Shacabka, waxa ayna ishu qabaneysay dad aad u farabadan oo Maqaaxida Banooda u shaah doontay.

Waxyaabaha aadka loola yaabay ayaa waxaa kamid ahaa in Goob uu ka dhacay Qarax isla markaana uu ku daatay dhiig farabadan Caawa lagu caweeyo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca Qaraxyo aad u xoogan oo lala eegto Goobaha lagu caweeyo, waxaana xusid mudan in Saacado kadib lagu shaqeeyo goobahaasi, iyadoo aan laga meerin dhiiga shacabkii ku nafwaayay ama ku dhaawacmay.