Yaasiin Farey ma xildhibaan baa mise Taliyaha NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Fareey), haddana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa kasoo dhex muuqday dhawaan kullankii guddoomiyaha baarlamaanka uu ku shaacinayay inuu mas’uuliyadda amniga iyo doorashooyinka la wareegay.

Sida uu qabo dastuurka KMG ah ee dalka iyo habraacii loo sameeyay doorashada xildhibaanada, waxaa mamnuuc ka ah saraakiisha iyo ciidamada inay qabtaan xil dowladeed ilaa ay iska casilaan toddoba maalmood kahor, iyadoo taasina ay meesha ka baxday xiligaan in la dhowro dastuurkii lagu heshiiyay iyo habraacyadii lagu soo xulay baarlamaanka cusub.

Yaasiin Fareey oo aheyd intii uusan marin dhaarta xildhibaanimo inuu xilka wareejiyo ayaa maalintii uu dhaartay kadib waxaa uu si caadi ah u watay howlihiisii taliyenimo, taasina waxay ka hor imaaneysaa dastuurkii iyo sharcigii uu ku dhaartay inuu ilaalinaayo.

Kullankii guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ee uu kula wareegay mas’uuliyadda ammaanka iyo doorashada wuxuu Yaasiin Fareey ugu qeyb galay isagoo ah taliyaha NISA, halka saraakiishii kale ee ciidamada ee ka qeybgalay waxba ka duwaneyn, shaarkii xildhibaanimana siibtay.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa laga rabay inuu jawaab ka bixiyo ku xadgudubka dastuur ee xildhibaan Yaasiin Fareey la hortegay guddoomiye Aadan Madoobe maadaama uu yahay ilaaliyaha sharciga iyo dastuurka dalka.

Tallaabadaasi ayaa waxay muujineysaa gef iyo xadgudub dastuuri ah oo bilow u ah baarlamaanka cusub.

Lama oga sababta uu weli Yaasiin Fareey ugu dhegan yahay inuu sii ahaado taliyaha NISA, hase ahaatee waxaa lagu waramayaa in madaxtooyadda Villa Somalia ay weli la dhacsan tahay Yaasiin Fareey inuu howsha sii maamulo ilaa mudo aan caddeyn.

Taliyaha NISA ayaa xiligaan in uu magacaabo madaxweyne Farmaajo waxay ka dhigan tahay khilaaf hor leh oo mucaaradka iyo RW Rooble u arki karaan inuu ku carqaladeynaayo doorashada gabagabada mareysa ee harsan in la doorto madaxweyne cusub.