Puntland oo shaacisay inay qabatay shabakad arrimo xasaasi ka shaqeysa + Video

Garowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa shaacisay inay qabatay shabakad dalka ka dhoofi jirtay dhirta ama geedaha dalka ka baxa qaar, kuwaas oo laga guri jiray deegaano ka kala tirsan gobollada Puntland, Galmudug, Somaliland iyo dhulka dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Agaasimaha wasaaradda deegaanka Puntland Cabdicasiis Cilmi Nuur oo wareysi siiyey TV-ga SBC ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Tanzania, kaas oo ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa sheegay in ninka ay hayaan uu yahay maskaxdii ka dambeysay ganacsigan sharci darrada ah, islamarkaana ay baaritaan ku hayeen mudo bil ah.

Sidoo kale, Agaasime Cabdicasiis Cilmi ayaa sheegay in kiiskaan ay soo galeen masuuliyiin ka tirsan Puntland, kadib baaritaan dheer oo la sameeyey, todobaadka dambe ayuu sheegay in ninkaan iyo ragii la shaqeysa jiray ay maxkamad soo taagi doonaan.

Ninka la qabtay ayaa mar isku deyey inuu xabsiga ka baxsado, sida uu sheegay Agaasimuhu, balse ay ciidamada ammaanku ku guuleysteen inay qabtaan iyagoo aan waxaba gaarsiin.

“Wuxuu ahaa nin lacag tiro badan wata oo howshaan aad u caadeystay, lana saaxiibay ciidmada qaar iyo masuuliyiin dowladeed, waxaan xog ku helnay in shixnad kartoomeysan oo dhir ah uu dalka ka dhoofinayo, inuu baxsado ayuu isku deyey, balse waxaa lagu qabtay Qardho,” ayuu yiri Agaasimaha wasaaradda deegaanka Puntland.

Hoos ka daawo wareysiga