Yeni Şafak: Sacuudiga iyo Imaaraadka oo iclaamiyey dagaal ka dhan ah Turkiga

Istanbul (Caasimada Online) – Wargeyska Yeni Şafak ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa Maalintii Sabtida aheyd qoray inay Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay wafdi ka koobnaa laba Askri iyo laba sirdoon usoo direyn Deegaanada ay heystaan Kooxda gooni isku taagga ah ee Kurdiyiinta ee ku xooggan waqooyiga Suuriya.

Wargeyska ayaa sheegay in Sababta loo soo diray wafdigaan ay tahay sidii loo maal gelin lahaa illaa 12 Fadhiisin oo ay dagi doonaan Ciidamo Mareykan ah oo caawin doono Kurdiyiinta.

Sida uu qoray wargeyskaan oo si weyn ugu dhow Dowladda Turkiga, xukuumadda Ankara ayaa u fahamtay in Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay iclaamiyeen Dagaal ka dhan ah Dalka Turkiga.

Waxaa la sheegay in Wafdigaan gaaray halkaas ay qorshihiisa lahaayeen Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman iyo Amiirka Imaaraadka  Maxamed Bin Zaid.

Wafdigaan ay direeen Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Booqasho ku tagay deegaano ay kamid yihiin Al-Hasakah, Kobanî, Manbij iyo Tell Abyad, waxayna kulamo la qaateen hoggaamiyaal ka tirsan Kooxda Kurdiyiinta waxaana la isku fahmay meelaha laga sameynsan doono Saldhigyada.

Sida uu Wargeyska Sheegay wafdigaan isugu jiray Sacuudiyaan iyo Imaaraad waxaa hoggaaminayey Wasiirka Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe Thamer Al-Sabhan.

Wafdigaan ayaa markii ugu horeysay kulamo kul qaatay Deegaanka Al-Hasakah Ergeyga Madaxweynaha Mareykanka Trump u Qaabilsan Gobolka Brett H. McGurk, waxayna labada dhinac isku raaceyn in Mushaar la siiyo illaa 30 Kun oo kamid ah Ciidamada Kurdiyiinta ee halkaas ku sugan.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in Ciidamadaan loo bixiyo (Ilaaliyaasha Xuduuda) waxaana Dowladaha Khaliijka loo xil saaray Tababarka iyo Hubeynta Ciidamadaan.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sidoo kale Ballan qaaday inay bixin doonaan Saadka ku bixi doono Ciidamadaas.

Arrintaan ayaa sii kala foggeyn doonto Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Turkiga, waxaana muuqato inuu go’i doono xiriirka u dhaxeeyo Dowladahaan oo markii hore mugdi ku jiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com