Rosenberg: MBS wuxa uu ii ballan-qaaday in kaniisado aan ka dhisno Sacuudiga

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxa madhabta Evangelical-ka ee Kirishtan ee dalka Mareykanka Joel Rosenberg, ayaa shaaciyey in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu u ballan-qaaday in kaniisado laga dhiso dhulka labada masjid ee barakeysan, balse uu waqti siiyo.

Rosenberg oo ah nin u ololeeya, si aad ahna u difaaca Israel, ayaa wareysi uu siiyey teleefishinka Israel ee i24 ku sheegay in kulan uu Bin Salmaan bishii October kula yeeshay Riyadh uu kala hadlay sidii kaniisado looga furi lahaa Sacuudiga.

Rosenberg ayaa sheegay in Maxamed bin Salmaan uu ballan-qaaday inuu arrintan kala hadli doono culimada, si uu ogaado waxa diinta ka qabto.

“Wuxuu ii sheegay in kaniisad la furo waqtigan ay hadiyad u noqon karto Al-Qacida, balse wuxuu codsaday waqti dheeri ah iyo inuu ka shaqeynayo arrintan” ayuu yiri Rosenberg.

Bin Salmaan ayaa waftiga kirishtan-ka ku marti-qaaday Riyadh, bishii October, taasi oo qeyb ka ah dadaal uu ku doonayo inuu reer galbeedka ugu muujiyo inuu yahay is-beddel doon diyaar u ah inuu dunida la macaalimo, sidoo kalena xiriir wanaagsan la yeesho Israel.

Rosenberg waa mid ka mid ah taageerayaasha ugu weyn Israel, wuxuuna mar la-taliya dhinaca warbaahinta ah u ahaa ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Ninkan ayaa horey u daabacay buug uu ugu magac daray “The Torah and Damuscus” oo ku baaqaya in la burburiyo caasimadda dalka Syria, si loogu guuleysto damaca kirishtanka ka hor soo bixitaanka waxa ay ku sheegaan “bad-baadiyahooda”. Buugaas ayaa ka mid ahaa kuwii loogu iibsiga badnaa Mareykanka sanadii 2016.

La-kulanka Maxamed Bin Salmaan, ee Rosenberg – oo ah nin sidoo kale lacag u ururiya ciidamada Yahuudda ee haysta dhulka Qudus – ayaa ka careysiiyey muslimiin badan.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com