Yuu ahaa qofkii uu durba wacay Cali Xarbi Cali kadib dilkii xildhibaan David Amess?

London (Caasimada Online) – Waxaa weli socda baaritaanka lagu hayo dilka xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, kaasi oo Jimcihii lagu dilay mindi, ayada oo dilka loo qabtay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Xarbi Cali.

Dambi-baarayaasha ayaa hadda isku dayaya inay ogaadaan qofkii ugu horreeyey ee Cali uu taleefonkiisa ka wacay isla markii uu dilay xildhibaan Amess.

Ilo-wareedyo amni ayaa wargeyska The Times u sheegay in Cali uu durbadii uu dilay xildhibaanka lasoo baxay taleefonkiisa kadibna wacay ama fariin qoraal u diray qof hadda la isku dayayo in la aqoonsado. Xitaa iskuma dayin inuu goobta ka baxsado.

“Xiriirka uu isku dayey inuu sameeyo daqiiqaddaas waa faah-faahin muhiim ah. Dambi-baarayaasha waxay isku dayayaan inay ogaadaan qofkaas uu la xiriiray,” ayuu yiri il-wareedka.

Arrimaha ay suurta-galka tahay ee la eegayo waxaa ka mid ah haddii qofka uu Cali la xiriiray uu wax ka ogaa dilka.

Dhinaca kale, Cali ayaa lagu warramay inuu toddobaad kahor dilka sameystay ballan uu uga qeyb-galo kulanka uu xildhibaan David Amess la yeelanayey dadka soo doortay ee deegaanka Leigh-on-Sea, oo ah goobta dilka uu ka dhacay.

Xog kale ayaa sheegeysa in sababta fududeysay in la beegsado Amess ay tahay ayada oo kulankaas lagu xayeysiiyey baraha bulshada.

Dambi-baarayaasha ayaan weli helin sabab kale oo loo beegsaday David Amess. Cali ayaan isku dayin inuusan wax ballan ah la sameysto xildhibano kale.

Wargeyska Telegraph ayaa qoray in inkasta oo kulanka loo ogolaa kaliya dadka degan Leigh-on-Sea, haddana Cali uu shaqaalaha xildhibaanka u sheegay inuu halkaas usoo guuri doono, sidaas darteedna uu doonayey inu xildhibaanka kala hadlo arrimaha ay ka mid yihiin daryeelka caafimaad.