Yuusuf Garaad oo hal sabab darteed walaac ka muujiyay waqtiga lagu ballamay dhageysiga kiiska badda

Muqdisho-(Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu kaga hadlay dib u dhigista dhageysiga kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo haatan horyaalla Maxkamadda ICJ.

Waxa uu sheegay Yuusuf Garaad in xilliga lagu balamay dhageysiga kiiskaas ay Soomaaliya u tahay xiligii ugu liidatay ee loo balami lahaa kiis nuucaas ah, maadaama uu xilligaas dalku galayo waqti doorasho oo kala guur ah.

Ugu horayn Yuusuf ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Maxkamadda ICJ laba jeer ayay dib u dhigtay dhegeysiga wareegga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ay Maxkamaddu ka qabatay Soomaaliya Khamiis, 28 August 2014, Kenya ayaa labada jeerba dalbatay dib-u-dhigga. Dowladdeennu labada jeerba waxay noo sheegtay in ay diidday in dhegeysiga dib loo dhigo. Waase looga guuleystay”.

Qoraalkiisa oo intaas ka dheeraa ayuu walaac ka muujiyay waqtiga lagu madal sanyahay dhageysiga kiiskaas, “Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay oo ah usbuuca labaad ee June 2020, Sida ay ballanta dhexdeennu ahayd waa xilli doorasho guud oo labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweyne. Ballantaana waa ay og yihiin Kenya, qareennada labada dhinac iyo Garsoorayaasha ICJ”.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay Ex wasiir Yuusuf Garaad in balanta la qabtay aysan midna u fiicneyn laba arin oo kala ah: “U heellanaanta Dacwadda iyo Madaxbannaanida doorashada labada midna uma roona ballanta la qabtay”.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
c
aasimada@live.com