Yuusuf Garaad oo ku taliyey hal arrin kadib raali-gelintii Farmaajo ee Qalbi-Dhagax

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Debadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay arrinta ku aadan raali gelintii la sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo ka bixiyey dhiibistii Qalbi Dhagax ee Itoobiya.

Warar laga helay kulan dhex maray madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda ONLF ayaa lagu ogaaday inuu Madaxweyne Farmaajo uu ONLF ka raali geliyey xarigii loo geystay Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay inay muhiim tahay in la is waafajiyo ficilada iyo hadalada hey’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Wuxuu ku taliyey in la is waafajiyo go’aankii kasoo kala baxay Golaha Wasiirada ee lagu sheegay inay ONLF tahay urur Argagixiso iyo go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in OLNF aysan aheyn argagixiso isla markaasna ay qalad aheyd xariggii loo geystay Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Yuusuf Garaad ayaa qabo in la laalo go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiirada ee sheegay in OLNF uu yahay urur argagixiso sidaas lagu qaato go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa qeyb ka ahaa kulankii  Golaha Wasiirada ee  lagu ansixiyey in OLNF uu yahay Urur argagixiso inkastoo la sheego inuu Yuusuf Garaad kamid ahaa wasiiro kooban oo arrintaas diidanaa.

Halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Yuusuf Garaad soo dhigay bartiisa Facebook:

Si la isu waafajiyo mawaaqifta Golayaasha dalka (Fulin iyo Sharci-dejin) iyo weliba habdhaqanka Madaxda Qaranka, ama aan si kale u dhigee si loogu hoggaansanaado go’aanka Baarlamaanka, Golaha Wasiirrada waxaa la gudboon in uu ka noqdo go’aankiisa ahaa in ONLF uu yahay urur arga-gixiso ah.

Sawirka waxaa ka muuqda Madaxweynaha oo Eritrea kula kulmay Madaxa ONLF, sida ay faafisay Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com