Gobalka kaliya ee lagu dulmay federaalka Soomaaliya

Dowlada Faderalka Somaliya ma matisha dalak Somalia oo dhan? Maxayse Masu’uliyiinta Somaliyeed isu dhexdhigayaan Matalaada Gobalka Banaadir yio Maqaamka Casimada Somaliyeed?

Dowlada federalka waxay u dhaqantaa sidii mamul-gobaleed oo go’aanada ka soo baxo  waxay ka hirgalaan Gobalka Banaadir kaliya Gobaladda kalena waxy leeyihiin Madaxwaynayaal, Barlamaan iyo Gole wasiir oo u gaar ah mana u baahno in ay ka amar qaataan Dowlada dhexe hadaba dowla dhexe miyeyna u muuqan maamul gobaleed ka taliyo Gobalka Banadir?

Dowlada dhexe ee Somalia ma maamusho Dekadaha iyo Airporada dalka Somalia hadii laga reebo Magalada muqdishoo oo  ah meelaha kaliya   oo ay dowlada federalka ah ee somaliya  dhaqalaha ka hesho, xaqiiqada waxay tahay Gobalada kale ee dalka dhaqaala ay ka hesho iska daaye xitaa kama hadli karaan, waxay u egyihiin sidii wadama kale sidaas darted dowlada dhexe ee Somaliya miyayna ahayn maamul-gobaleed ka taliyo Gobalka Banadir kaliya?.

Madaxwaynayaashii iyo xukumadihii dalka Soo maray waxy ka wada sinaayeen in ay inkiraan kana jeestaan Xuquuda matalaada oo ay leeyihiin shacabka dagan Gobalka Banaadir ee lagu qiyaso ilaa iyo 30% , sababtoo ah dhamaantod waxay ka yimaadeen gobala kale mana khusayso, Dowlada hadda jirtana waxba kama gedisno waayo weli kama hadlin waxyna ku andacoonayaan in ay weli cusubyihiin oo anay wax ka qabankarin arimaha xuquqda Matalaada Canshuur bixiyaasha Gobalka Banaadir.

Madaxda dalka Somaliyaa marnaba kama hadlaaan matalaadaa ay xaqa u leeyihiin Canshuur Bixiyaasha ku dhaqan Gobalka Banaadir ee waxay ka hadlaan maqaamka casimada somaliyeed ayadoo lagu qarinaayo xuquuda matalaada ah oo ay leeyihiin  Canshuur bixiyaasha lagu dulmay federalka ee ku dhaqan Gobalka Bnaadir.

Maqaamka casimada waa arin gaar ah, matalaada Canshur bixiyasha  degan Gobalka Banaadir waa arin kale oo gaar ah, labadaas kalimadood waxay xambaarsanyihiin laba macno oo aad iyo aad u kala fog, Casimada waa casimad Somaliyeed  waxaana martigeliyey Gobalaka Banadir, waana  la rarikaraa waxaana martigalinkaro Gobal kale, Laakin Gobalka Banaadir lama rari karo oo Gobalkale lama dul dhigi karo, hadaba Gobalka Banaadir waa Gobal  lamid ah Gobalada kale waxaa uuna xaq u leeyaha xuquuda matalaada oo ay heleen Gobalada kale ee dalka kajira.

Waxaa arin lalayaaba ah in xuquuqdi matilaada canshuur bixiyaash Gobalka Banaadir ay xayuubsoto Casimada ee weliba lagu daabaco dastuurka qaranka. arintai ma waxay horseedesaa cadaal? Mise Midinmo? Mise Horumar?mise dagaal sokeeye oo cusub.

Dowlada Somaliya waa in ay garwaaqsataa in laga gaabiyeey federalaynta dalka Somaliya si cadalad ah waxana loo baabaahanyahay in aan laysku tuurtuurin xuquuda matalaad oo ay leeyihiin canshuur  bixiyaasha lagu qiyaasay  inkabadan 30% shacabka Somaliyeed ayadoo laga doonayo Shacabka Gobalka Banaadir in ay la yimaadaan farsamo siyaasadaysan oo ay kaga gudbikaraann turan turooyinka ku soo wajahan oo kaga imaanaayo dowladda federalka ah ee Somalia oo u muuqato maamul Gobaleed ka  taliyo Gobalka Banaadir iskuna raacay sida muuqato in aan laga hadlin matalaada Gobalka Banaadir si ay u hirgashona canshuur bixiyaasha Gobalka Banadir la saaro cadaadis siyasadeeed, laga careeyo shirarka ay yelanayaan lagana horistaago in ay ka tashashaaan aayahooda.

Dr. Hussein Ali Nuur
E-mail abcalinuur@hotmail.com