Sawirro: Shiinaha oo ku soo biiray loolanka dekedaha Somalia iyo maamul uu la shiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa magaalada Muqdisho kula shiray wafdi ka socda dowlada Shiinaha kuwaa oo u socda qorsho ay kula wareegayaan Dekadda Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa mas’uuliyiinta u sharaxay suuragalnimada maalgashiga Dekadda iyo inay ka dayactiraan dhammaan dhaawacyada ku yaala, iyadoo uu qorshuhu yahay in la hormariyo.

Xaaf ayaa madaxda Shirkada ee daneyneysa la wareegida Dekadda u sheegay in Galmudug ay aad ula dhacsan tahay in xiligaan la helo shirkad maalgashi ku sameysan karta Dekadda isla markaana ku sameysa dayactir.

Hogaamiyihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Guuleed ayaa horay madaxdaan uga diiday in maalgashi ay ku sameeyan Dekadda Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Xaaf ayaa lagu wadaa inuu ka faa’iideysto fursada hortaal waxaana suuragal ah inay isku fahmaan heshiiska.