3 waxyaabood oo asaasi u ah danaha Itoobiya ee Soomaaliya Balse uusan yeeli doonin Farmaajo !

Xildhibaanadda Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay Maxamed C/Lahi Farmaajo inuu noqdo maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya maamuli doona Afarta sano ee soo socota.

Shacabka Soomaalida ayaa aad usoo dhaweeyay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, dibad baxyo nabadeysan ayaa is wada qabsadday meel waliba oo ay Soomaali dagan tahay, haba ugu badnaadeene dadka ku nool guddaha dalka.

Marka aad fiiriso sida ay dadka ugu hamuun qabeen Farmaajo waxaad moodda sida deegaan abaartu ku raagtay oo quus taagnaa balse ugu dambeyn heley roob, su’aasha isweydiinta muddan ayaa ah roobka lagu matalay Farmaajo ma waxa uu noqon doonaa ma hiigaan mise mid waqti yar uun soconaya.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in Farmaajo uusan ahayn sida ay dadka u wayneeyaan, iyagoo ku doodaya siyaasadiisa ku dhisan deg deg, laab lakaca, sidoo kale waxay ku sheegeen inuu yahay qof ku liita la macaamilka dowladdaha danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya oo ay ugu koofiya dheer yihiin kuwa deriska.

DR: Cilmi Afyare oo kamid ah aqoonyahanadda Soomaaliyeed ayaa horaan u sheegay in Farmaajo guushiisa ay ku xiran tahay sida uu ula shaqeeyo dowladdaha Ethiopia iyo Kenya oo ah kuwa ugu badan ee faragalinta ku haya dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn yaan hadal kugu daalininee aan usoo daa dago duluucda haddalkeeyga waxaan idin soo gudbinayaa  Saddex waxyaabood ay Ethiopia kaga baahan tahay maddaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo, annagoo ku saleeynayna waaqaca jira iyo sida ay wax u socdaan.

  1. KA DHOWRSASHADDA MUQADASAADDKA ETHIOPIA

 Hubanti inaad is weydiineyso su’aal ah waa maxay muqaddasaadka Ethiopia?, xaq baad u leedahay inaad is weydiiso, sidoo kalena aad hesho jawaab hufan oo aad ku qanci karto, balse si fudud haddii aan u niraahno waa dannaha iyo haddafka xakuumadda Adis Ababa ay ka leedahay Soomaaliya.

Muqaddasaadka Ethiopia ee Soomaaliya waxaa ugu waa wayn iska iloobidda gobolka Ogaadinia ama kalinka Shanaad ee soomaalida Ethiopia, Min Mingiste Xeyla Maryam ilaa Heilla Mariam Diseliem Ethiopia ayaa maalin kasta ku fakareysay inay sidii ay Soomaalida u hilmaami lahaayeen islamarkaana uga tanaasuli lahaayeen qaddiyadda gobolkaas Soomaalidu xaqa u lahayd, iyagoo mid kasta oo kamid ah maddaxda soomaaliya ay yeelato kala hadla cunsurkaas weyn ee cid waliba oo soomali ah aanay caadka saarneeyn.

Sidoo kale muqaddasaadkooda waxaa kamid ah inaan safaaradda Ethiopia laga guurin guddaha Madaxtooyadda Villa Soomaali, waana mid kamid ah waxyaabaha ay aadka u ilaaliyaan xukuumadda Adis.

Si lamid ah waxyaabaha muxtarimka u ah Ethiopia waxaa kamid ah inaan laga hadlin wax waliba oo ay ka sameeyaan ciidanka Federaalka Ethiopia guddaha Soomaaliya, iyadoo la joojinayo xitaa dhaleeceenta iyo cambaareeynta wararka quseeya howlgaladda Amxaaradda ay ka waddaan guddaha Soomaaliya.

  1. DOORKA TABCANAYAASHA ETHIOPIA

 Cunsur u muhiim ah dowladda Ethiopia islamarkaana ay u baahan tahay xukuumadda Adis inay ka hesho maddaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Lahi  Farmaajo, hadii la waayose ay adkaan doonto wadda shaqeynta Muqdisho iyo Adis Ababa, taas laga yaabo inay dhabar jab adag ku noqoto waxqabadka dowladdan curdinka ah ee dhawaan uun lasoo doortay.

Waxaa jira xildhibaano, masuuliyiin, maddax hore oo dalka jago kasoo qabtay balse ku sifeeysan inay yihiin tabcanayaal Tigrey (Ethiopian), islamarkaana si hagar li’I ah ugu shaqeeyo xukuumadda Heilla Marian.

Ugu yaraan waxaa jira 20 xildhibaan iyo wax ka baddan oo lagu sheego inay yihiin Pro Ethiopia ayaa qeyb ka ah labadda gole ee Baarlamaanka, taas oo muujineysa miisaanka mugga leh oo ay ku dhex leeyihiin dowlad kasta oo lasoo doorto.

waxaa la is waydiinayaa sida uu Farmaajo ula macaamili doono shaqsiyaadka daacadda u ah dowladda u itoobiya ee markasta ka shaqeeyo danaheeda iyagoo halkaas ka fiirsanayo dano u qaas ah.

YAREEYNTA KICINTA DAREENKA SHACABKA

 Dowladda Ethiopia ayaan marnaba diyaar u ahayn inay arkaan shacab Soomaali ah oo ku hubeysan waddaniyad iyo dal jecel islamarkaana jidbeysan, si aysan u soo kicin dareenka hurday ee shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo iyo ololeeyayaashiisa ayaa lagu xantaa inay yihiin shaqsiyaad u sameysan kicinta iyo baraarujinta shacabka, waxaana dhoola tus wanaagsan la arkay intii lagu gudda jiray maalmihii ugu dambeyay ee xukuumaddiisii isku dhaca ku tagtay iyo waqtigii ololaha maddaxweynanimadda.

Hasa yeeshee mahrajaanka ugu wayn iyo fantas yihii ugu cuddoonaa waxay ahayd markii lagu dhawaaqay natiijaddii doorashadda madaxweynenimadda ee dhacday horaantii bishii February 2017, xilligaas oo ay magaaladda oo idil isqabsadday dibad baxyo nabadeysan oo lagu taageerayay Farmaajo, taas oo dhaawac  adag ku noqoneysa danaha Ethiopia ee ku aadan inaan la kicin dareenka shacabka dagaaladu daashadeen.

Markale dadka rog roga xaanshiyaha siyaasadda Soomaalida ayaa  is waydiinayo in Farmaajo uu aqbali karo inta baddan waxyaabaha ay daneeneyso dowladda Ethiopia, balse xeeldheerayaashan ayaa ku xiray haddii Farmaajo uu doonayo inuu sii ahaaddo maddaxweynaha Soomaaliya inuu si caqliyeysan ula Macaamilo dowladaha dariska ah gaar ahaan Itoobiya

Maqaalkan waxaa qalinka u qaatay Cabdiwahaab Axmed Cali

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid