Xildhibaan saadaal mugdi leh ka bixiyey Farmaajo iyo ra”isul wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in dhawaan uu magacaabo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia si uu usoo dhiso Xukuumada ay yeelan doonto Dowlada cusub.

Madaxweynaha ayaa ka fiirsanaaya magacaabida Ra’isul wasaaraha, isagoo ka fogaanaaya in shaqsiga uu magacaabi doono uu ka dhex curto khilaaf.

Xuseen Carab Ciise oo kamid ah Xildhibaanada BFS, ayaa ka hadlay Ra’isul wasaaraha uu Madaxweynaha doonaayo inuu soo magacaabo, waxa uuna Xildhibaanku sheegay in mar waliba uusan dhammaan doonin khilaafka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha la magacaabi doono uusan ka duwanaan doonin khilaafyadii hore waxa uuna cadeeyay in khilaafka ugu horeeya uu noqon doono hanaanka lagu wada shaqeyn lahaa.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, ayaa sheegay inay ugu dhowdahay in khilaafkaasi uu joogsado haddii Madaxweynaha uu soo magacaabo Ra’isul wasaare la socda xaalada dhabta ah ee ka taagan Somalia.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, ayaa Madaxweynaha cusub ugu baaqay haddii uu doonaayo inuu ka fogaado khilaaf uu soo magacaabo Ra’isul wasaare aan lagu qancineynin reer gaara ama aan lagu soo xuleynin saaxiibtinimo.

Xuseen Carab Ciise waxa uu sheegay in uusan joogsan doonin khilaafka soo kala dhexgala Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ilaa laga helo Ra’iisul wasaare la socda halka uu dalka marayo, fahamsanna bulshada Soomaaliyeed danahooda.

Xuseen Carab Ciise waxa uu arrin nasiib darro ah ku sheegay inuu qabiil ku yimaado Ra’isul wasaaraha, loona baahneyn arrintaasi, si dadka iyo dalka ay u helaan Dowlad aanay Madaxdooda is khilaafin.

Dhinaca kale, Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu ka fiirsado cida uu xilkaasi u magacaabi doono, isagoo ku booriyay inuu la imaado shaqsi aysan is khilaafi doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com