Sawirro: Somalia a oo sameysay wax ay ugu damebsay muddo 26 sano

Ankara (Caasimada Online) – Wadanka Soomaaliya ayaa markii ugu horresay kasoo muuqday shir caalami ah oo ka dhacay dalka Turkey kaasoo looga hadlayey waxyaabo xasaasi ah.

Shirkaan oo ay kasoo qeybgalen ku dhawaad 200 oo dowladood ayaa waxaa halkaas taariikh ka sameeysay Soomaaliya oo 26 sano kadib kasoo muuqatay shir noocaan oo kale ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalkiiska Maxamuud Cabdi Xasan (Beekoos) ayaa hakaas u matalay Soomaaliya wuxuuna maruu shirka ka hadlayey tilmaamay inay soomaaliya hadda dib ugu soo laabatay hanaankii dowladeed.

Xaaladda Soomaaliya, Hormarka ay gaartay ayey aheyd wixii ugu badnaa oo uu wasiirka ka sheegay shirkaas isagoo xusay inay soomaaliya hadda heshay madaxweyne wadani ah.

Dowladihii kasoo qeybgalay shirkaas ayaa tilmaameyn inay soomaaliya u rajeenayaan hormar weyn waxaana halkaas hambalyo looga diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
Caasimada@live.com