Siyaasiyiin caan ah oo ku howlan daminta khilaafka ka jira Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online) Iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka siyaasadeed ee ka jira deegannada Puntlandn uu cirka isku shareero marka la gaaro 8-da January ee sannadkan, markaas oo ay ku egtahay xilliga uu heynayo xafiiska maamulka Puntland Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa wax bilowday waan iyo in la isku soo dhoweyo dhinacyada siyaasadda.

Dadka ku howlaan in la damiyo khilaafka ka jira Puntland waxa ka mid ah madaxweynihii hore Jeneraal Cadde Muuse oo maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Isagoo la hadlaayay saxaafadda ayuu sheegay in uu billaabay dadaallo lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Wuxuu kaloo sheegay Cadde Muuse in uu sababta uu Gaalkacyo u tegay ay tahay in uu isku soo dhoweeyo maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee isku khilaafsan muddo kororsi uu rabo madaxweyne Faroole.

Wuxuu caddeeyay in ay billowdeen wadahaddalada u dhexeya maamulka hadda jir iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo jeeda deegannada Puntland.

Ugu dambeen madaxweynihii hore ee Puntland wuxuu sheegay in uu rajo ka muujinaayo in uu ku guuleysan doono wadahaddalada uu ka dhexwado dhinacyada isku haya siyaasadda Puntland.

Si kastaba madaxweyne Faroole ayaa sheegay in aysan jirin waqti uu kororsaday ee dastuurka uu ku dhaqmayo kaas oo madaxwaynaha u fasaxaya in muddo shan sano ah uu xilka hayo.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in dadka ku eedaynaya waqti kororsiga ay leeyihiin dano ka baxsan Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe