Soomaali rabtay in ay dib ugu laabtaan waddankooda oo lagu xayiray S/Africa

Johannesburg  (Caasimada Online) Booliska waddanka South Africa ayaa shaley is-hortaag ku sameeyay Soomaali badan oo dooneysay in ay dib ugu soo laabtaan waddankooda.

Illaa ku dhawaad 100 qof oo Soomaali ah ayaa shaley dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Johannesburg, ee dalka South Africa, kuwaasoo rabay in ay soo aadan waddankooda, kaddib markii ay u adkeesan waayeen dhibaatada loogu geesto dalkaas.

Mustaf Maxamed waa wiil dhalliyaro Soomaali ah, wuxuu ka mid ahaa dadkii shaley laga soo celiyay garoonka diyaaradaha ee Johannesburg, wuxuu u sheegay VOA-da in dowladda Konfur Afrika ay diiday in Soomaalida ku nool dalkeeda ay ku laabtaan waddankooda.

“Annagoo joognaa garoonka diyaaradaha ee Johannesburg  oo aan rabnay in aan ku noqon waddankeena ayaa nalagu celiyay Airport -ka , markii hore waxa lagu bixi jiray GO HOME ama Bassaboord-ka Soomaaliya haddana koley waa la joojiyay oo waxa joojisay dowladda, marka rajo aan lee nahay oo ay sugeyno ma jirto” ayuu yiri Mustaf oo ka mid ahaa dadkii shaley laga soo celiyay Garoonka diyaaradaha Johannesburg.

Mar la weydiiyay sababta loogu diiday in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Johannesburg wuxuu sheegay in dowladda ay ku wargalisay dadka Soomaalida in aysan jirin wax baasaboor ah ama Go Home oo lagu dhoofi karo.

Wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan Soomaali kale oo horrey looga diidday in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Johannesburg, kuwaasoo rabay in ay dalkooda soo aadan.

Mustaf ayaa sheegay in ay Jiraan Soomaali badan oo loo diiday in ay ka dhoofaan garoonka ay mareen dhulka kuwaasoo sii aadaya Kenya kaddibna dalkooda ku laabaanaya.

Dalka South Africa oo ay ku nool yihiin Soomaali badan, waxa uu ka mid yahay waddamada lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxa la boobaa ama lagu gubaa hantidooda iyaga ayaa la dilaa, waxana sidaas yeelaa dadka u dhashay waddankaas.

Sannadkii hore ayaa la sheegay in tiradii ugu yareed ee Soomaali ah lagu dilay kuwaasoo gaaraya illaa 100-qof sidaas waxa saxaafadda u shegay  guddoomiyaha guddiga Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka South Africa