Ciidamada DF qarax lagu weeraray

Afgooye (Caasimada Online)Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay qarax miino oo lagu weeraray kolanyo ay la socdeen ciidamada dowladda.

Ugu yaraan seddax askari ayaa la xaqiijiya in ay ku dhimmatay qaraxa in ka badan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin goobjoogayaal la hadlay warbaahinta.

Qaraxa ayaa sidoo kale wuxuu burburiyay baabuurka ay la socdeen ciidamada dowladda.

Qaraxa kaddib waxaa ciidamada dowladda ay howgallo ka sameeyeen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay soo qabqabteen dhowr qof oo u badan dhallinyaro.

Dhinaca kale, degmada Kaaran ee magaalada Muqdisho waxaa maanta qarax lagu weeraray ciidamado dowladda ka tirsan, waxaana la sheegayaa in khasaaro  ay jiraan balse si cad ah looma oga.

Waxaa soo badanaya qaraxyada lala eeganayo ciidamada dowladda ee ku sugan goobaha ay dowladda ka arrimiso dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com