Dhageyso: Puntlando oo Galmudug ku weerartay EEYO & xaaladda oo kacsan

Gaalkacyo (Caasimada Online) –  Labadii Todobaad ee lasoo dhaafay ayaa dhinaca Koonfured ee magaalada Galkacyo waxaa soo buux dhaafiyay xiliga habeenkii EEYO farabadan oo sida la sheegay ay wataan ciidamada Puntland.

Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka caafimaadka iyo arrimaha bani aadannimada ee maamulka Galmudug, oo arrintan ku qeexay mid aan la aqbali karin, oo aan u cuntamin Galmudug.

Mahad Maxamed Faarax (Timo-Cadde), ayaa sheegay in arrintan ay si gaar ah uga dambeeyaan ciidamada PIS-ta ee Puntland oo Galmudug kusoo weeraray EEYO, isaga oo ciidanka Galmudug fasax u siiyey inay tallaabo ka qaadaan Eeyahan.

Halkan ka dhageyso wareysiga

mahad timo cadde

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com