145 xildhibaan oo WASIIRADA CUSUB u shiray (C/weli oo xaalku ku xun yahay)

Muqdiho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay  qaar ka tirsan Xildhibaanada DF Somalia kuwaas oo doonaya in Baarlamaanka uusan ansixin Wasiirada Cusub.

Kulankan ayaa la sheegay in ku dhawaad 145 ay ka soo qeyb galeen kuwaas oo horay u diidanaa in xilka laga qaado R/wasaarihii horay loo riday ee Cabdi farax Shirdoon Saacid.

Xildhibaanadaan ayaa horay waxa ay u balan qaadeen in hadii Wasiiradii la shaqeenaayay RW Saacid ay dib u soo laabtaan ay codka kalsoonida u diidi doonaan Wasiiradaas.

Kulankaan ayay Xildhibaanadaan waxa ay uga hadlayeen qaabkii ay mid u noqon lahaayeen isla markaana ay ku balamaan in codka kalsoonida ay u diidaan Xildhibaandaan.

Ugu danbeyntii Xildhibaanadaan ayaa waxa ay ku balameen in xukuumadaan aysan ka gudbin xagooda isla markaana ay cod buuxa ku diidaan Wasiirada.

Xildhibaanadaan ayaa waxa ay sheegeen in sababaha ay codka ugu diidayaan Wasiiradaan ay tahay iyada oo ay ka mid yihiin xubno la soo shaqeeyay Xukuumadii Fashilantay ee Saacid sidaas awgeed hadana aysan wax qaban Karin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com