XOG: DF Soomaaliya oo sii deysay afar sarkaal oo uu ku jiro taliyihii ciidanka..

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Caasimada Online,in la sii daayay Taliyaha Ciidamada Milatariga ee Gobolka Hiiraan, Tawane Axmed Gureey iyo seddax sarkaal kale oo muddo 20-cisho ka badan ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqidsho.

Taliyaha iyo saraakiisha kale ee la sii daayay ayaa loo heestay dilka Korneel Xaashi Xuseen Diiriye oo lagu dilay dhammaadkii sannadkii horre magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

In la xiro saraakiishan waxaa codsatay maxkamadda ciidanka qalabka sidda, balse ma cadda cidda sii deysay iyo sababta loo sii daayay toona.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in tan iyo markii la soo xiray saraakiishan in magaalada Muqdisho ay ka socdeen kulamo lagu doonayay in lagu sii daayo.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin sii deynta saraakiishan, oo la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Korneel Xaashi oo ka mid ahaa saraakiishii horre ee ciidanka dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com