28-ka February: Maxaa kala haysta DF & Axmed Madobe (Maalin muhiim ah)

Muqdisho (Caasimada Online) – 28-ka bishan February, waa maalin muhiim u ah heshiiskii ay dowladda Somalia iyo maamulka Axmed Madoobe ku galeen magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, oo 6 bilood ay u buuxsami doonto.

Heshiiskaasi oo soo af-jaray xiisaddii colaadeed ee gobollada Jubbooyinka, ayaa lagu saxiixay dhowr qodob, oo labada dhinac ay is-dhaafsadeen, hase yeeshee waxaan dhaqan gelin dhammaan qodobadii dowladda Somalia ay dooneysay.

Qodobka ugu weyn, ayaa ahaa in dowladda Somalia lagu wareejiyo gacan ku haynta dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo, muddo lix bilood gudahood ah, taasi oo ku eg 28-ka bishan, maadaama heshiiska la saxiixay 28-kii August 2013.

Ilo xog ogaal, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Axmed Madoobe uu ku gacan seeray wareejinta dekedda Kismaayo iyo garroonka, mana cadda haddii labada maalmood ee harsan uu ku beddeli doono maankiisa.

Inkasta oo muddo uu kaga caga jiidayey arrintaas, ayaa Axmed Madoobe waxa uu si cad ugu sheegay Xasan Sheekh, markii uu Muqdisho kaga qeyb galay aaska allaha u naxariistee ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen.

Ma ahan kaliya qodobka dekedda, ee Axmed Madoobe waxa uusan sidoo kale fulin qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen, in dowladda Somalia uu kala tashato magacaabista xubnaha maamulkiisa, in shir dib u heshiisiineed uu ku qabto magaalada Kismaayo iyo kuwo kale.

Waxaa iminka soo baxaya, in heshiiskaas xaqiiq ahaan looga adkaaday dowladda Somalia, oo ay muuqato in laga diblomaasiyad badiyey, oo ujeedku uu ahaa un in Axmed Madoobe aqoonsi uu helo.

Axmed Madoobe, ayaa shalay u kicitmay magaalooyinka Nairobi iyo Addis-Ababa, waxaana ilo-waeedyada Caasimada Online ee magaalooyinkaasi ay soo sheegayaan in sababaha ugu weyn ee socdaalka ay tahay in lagala hadlo heshiiska.

Taa macnaheedu maaha, in xukuumadaha Nairobi iyo Addis-Ababa ay Axmed Madoobe u sheegi doonaan inuu fuliyo heshiisyada, hase yeeshee waxaa la isku dayayaa in laga hortago xiisado dib usoo cusboonaada.

Caasimada Online oo la xiriirtay xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, waa ay diideen inay ka hadlaan heshiiska iyo waqtiga soo gaabanaya ee ka harsan lixdii bil ee lagu ballamay.

Axmed Madoobe qudhiisa, waxaa haysta caqabado kale oo ay ka mid tahay in isaga iyo ku xigeenkii Gen. Fartaag ay hadda isku dhacsan yihiin, ayada oo Video ay heshay Caasimada Online uu muujinayo in Fartaag laga reebay kullan Axmed Madoobe uu Kismaayo kula qaatay safiirka Britain ee Somalia.

Carrada Fartaag, waxa ay Axmed Madoobe uga dhiggan tahay luminta beesha Sade, oo markii horeba Fartaag u aragtay nin aan matalin, oo danihiisa gaarka ah ay riixayaan, taasina oo kasii dhiggan Kismaayo iyo loolan cusub.

Si kastaba, dowladda Somalia, waxa ay wadday dadaallo ay magaalada Kismaayo kaga saareyso ciidamada Kenya, taasi oo ay qeyb ahaan ku guuleysatay, waxaana gacan ka bixinta Kismaayo ee ciidamada Kenya ay DF siin kartaa fursad ay ku hesho ciidamo Amisom ah, oo Muqdisho u dhego furan.

Waxaa la wada dhowrayaa, warka kasoo yeeri doona dowladda Somalia, kadib 28-ka bishan, oo ku eg lixdii bilood ee looga ballan qaaday gacan ku haynta dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo.

W/Q: Axmed Cali Sheekh
Tifaftiraha Caasimada Online