SIILAANYO oo uu xaalka ku xun yahay iyo awood uusan ogeyn oo soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maalmahab ka taagan xiisad siyaasadeed taasoo ka aloosan xibsiga talada haya ee Kulmiye.

Arrintan ayaa daba socota markii uu khilaaf uu soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxammuud Siilaanyo iyo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Khilaafkaas wuxuu sabab u noqday in uu xisbiga labo garab noqdo isla markaana labo musharrax uu yeesho kuwaasoo ku dhawaaqay in ay u taagan yihiin doorashadda soo socota.

Haddaba Axadii shaley madaxweyne Siilaanyo ayaa xilkii ka qaaday wasiirka ganasiga Maxamed Cabdullaahi Cumar oo horrey u ahaa wasiirka arrimaha dibedda, waxaana xilkaas loo magacaabay Dr. Maxamed Qaasim Cumar.

Khilaafka ka dhex jirra xisbiga Kulmiye ayaa noqday mid aad looga hadalhayo guud ahaan maamulka Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa.

Haddaba maanta oo Isniin ah waxaa shir jaraa’id qabyay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isagoona ku dhawaaqay liiska guddida fullineed oo xisbigaasi yeelanayo, Guddi hore ayaa shirguddoonka shirweynihii kulmiye ay ku dhawaaqeen, arrintan ayaa sawir cad u ah halka uu taagan yahay khilaafka xisbiga Kulmiye iyo sida la isugu midiyo soo feesanaayo

Guddigan oo ka kooban 36 xubnood waxaa ku yar masuuliyiinta maamulka Somaliland ee ka dhex muuqday guddidii fulinta ee shirguddoonkii shirweynaha Kulmiye kal horre ay ku dhawaaqeen, sidda uu lee yahay wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa.

Waxaa ku jirra guddiga wasiirkii horre ee arrimaha dibedda, Maxamed Cumar, waxaana ay kala yihiin sidda:

1. Dr. Xuseen Maxamed Xoog
2. Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
3. Eng. Cabdiqaadir Iiman
4. Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)
5. Bulbul Cabdi Madoobe
6. Axmed Cabdi Xuseen
7. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
8. Carab Nuur Xandule
9. Fu’aad Aadan Cadde
10. Garayaqaan Maxamed Jaamac
11. Maxamuud Ismaaciil Xasan (Badde)
12. Jaamac maaxamuud Cigaal
13. Shariif Abokor Dhuux-yare
14. Cabdinajax Siyaad Cabdi
15. Maxamed Cabdi Iskeerse
16. Canab Cumar Ileeye
17. Maxamed Faarax Xirsi
18. Maxamed Cadbillaahi Cabsiiye
19. Baashe Yuusuf Axmed
20. Xildh. Maxamuud Jaamac Warfaa
21. Dr. Axmed Cumar Maax
22. Ilhaan Maxamed Jaamac
23. Ibraahin Aadan Qaalib
24. Axmed Xuseen Oomane
25. Cumar Sh. Maxamuud (Cumar-yare)
26. Mahdi Xuseen Caddare
27. Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi
28. Prof. Cabdi Cali Jaamac
29. Sahal Cali Cartan
30. Maxamed Muuse Ibraahin (Buuni)
31. Cali Siciid Raygal
32. Xildh. Cali Maxamed (Cali Barre)
33. Axmed Aw Cabdi Shaacir
34. Dalays Shire Faarax
35. Aniisa Nuur Cigaal
36. Sahra Maxamed Xuseen(Basbaaso).

Si kastaba, waxaa isna hadlay xoghayaha xisbiga Kulmiye Xasan Siciid oo uu garab fadhiyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo 23 guddidii fulinta, wuxuuna ku dhawaaqay in shirweynihii golaha dhexe ee Kulmiye dhacayo Billowga bisha Juneee sannadkan.

Markii uu arrintan ku dhawaaqayay ma aaney joogin guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi iyo taageerayaashiisa.

khiaafkan soo dhex galay xisbiga Kulmiye waxaa laga yaabaa in uu wax yeelo u gaarsiyo wadahadallada u socda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com