Xalka mashaqada ka taagan koonfurta SOMALIA iyo gobollada la isku haysto

Arin waxaa dalka koo korortay xasaasiyad leh oo haddii si fiican loo maareeyo wadanka u horseedi karta nabad iyo dadka in si xor ah arimahooda u maamushaan, iska dhiciyaan Shebaab, helaana fursad ay wadanka ku hormarin karaan.

Baydhabo waxaan ku aragnay bilo ka hor dad isku dhigay baabuur taanki ah, ayagoo taageeraaya maamulka 6da gobol, Koonfur Galbeed , ee Madoobe Nuunow Maxamed, waxayna ka soo horjeedeen maamulka 3da gobol, Koonfur Galbeed, ee Maxamed Xaaji Cabdnuur Madeer.

Culumada odorsay dhaqaalaha, dadka iyo dhaqanka koonfurta wadanka Soomaaliya waxay leeyihiin warka sheegashada 6da gobol waxaa ka jira, geddi inuu sax yahay waa arin kale, ugu yaraan gobolana waa kaligood aa daga, inta badan, sida Bay iyo Bakool, gobolana waxay ka dagaan, sida Gedo .

Tusaale Mirifle aa dagan dhulka Bariga ka ah wabiga Jubba ee gobolka Gedo, taarikhiyana wabigaa xuduud u ahaa Miriflaha iyo Beelaha Daaroodka, khaasatan Mareexaanka [1]. Saas oo kale, dad ku hadla afk-Mayga aa ku dhaqan Jubada Dhexe [2], dadkaanoo u badan beelaha Bantuuga Soomaalida ah, ama dad barigii hore si xaq darro ah Soomaalida u adoonsatay, bacdina dhulkaan u yimid inay xuriyo ku noolaadaan.

Haddii arinta si fiican loo maareeyo, tusaale ahaan, qayb ka mid ah gobolka Gedo, khaasatan dhulka bariga ka xiga wabiga Jubba, waxaa la raacin karaa Bay, meesha inta kalena la raacin karo Kismaayo, ayadoo la tixgalinaayo rabitaanka beelaha kale ee meelahaas ku nool. Mugudba labo maamul aa ka taliya, nabadna in badan waa ka jirtay.

Ma saxsaxna maamulka 6da gobol inuu dhaho Gedo oo dhan Baydhabo ha imaato, hana ka qayb noqoto barlamaanka fadhigiisa yahay Baydhabo oo looga hadli doono afka May Mayga.

Saas oo kale ma saxsana in la dhaho Miriflaha Jooga Gedo waxaa lagu daraa Jubbooyinka, marka Baydhabo ha iska iloobeen. Waa sax sidaan soo sheegnay, qolo walba meeshay rabto ha raacdo, ayadoo arimo dhowr ah la tixgalinaayo.

Shabeelada Hoosana saas oo kale u noqon karaa, ayadoo la fiirinaayo beel walba meeshay rabto inay raacdo, waxaa dhici karta in la isticmaalo naftii hurnimada shacabka si looga adkaado Shebaab ama loogu khasbo inay dadka u daayaan inay aayahooda ka tashadaan. Waxaa markii ugu horaysay soo baxaaya dad raba inay deegaanadooda difaacdaan, hormarsadaan, shebaabna iska dhiciyaan.

Haddii kale oo dadka lagu khasbo waxaa dhacaysa in dadka qaarkiis taageeraan Shebaab, kuwa kalena noqdaan lax aan hayn niyad ay Shebaab iskaga dhiciyaan. Labada dhinacba waxaa ka macaashaaya xarakada Shebaabka. Ama waxaa dhici karta inay soo baxdo qolo saddexaad oo ka baxsan Dowladda Federaalkaiyo Shebaabka, oo labadaba dagaal la gasha, si dadka loogu daayo inay aayahooda ka tashadaan. Arintaan dambe waxay sii dabo dheeraynaysaa colaadda wadanka ka jirta. Waana mid laga hortagi karo hadda oo fursad la haysto.

[ 1] ] Catherin Besteman and Lee V. Cassanelli, ed., The Struggle for Land in Southern Somalia: The War Behind the War, page 74 (London, HAAN Publishing, 1996).
[2] Catherin Besteman and Lee V. Cassanelli, ed., The Struggle for Land in Southern Somalia: The War Behind the War, page 31 (London, HAAN Publishing, 1996).

W/Q: Samatalis Xayle

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid