WARBIXIN: Dagaal beeelaha Xawaadle & Dir ku dhex maray duleedka B/weyn

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay dhimashi iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya labo maleeshiyaad oo kasoo kala jeeda qabaa’ilada Dir iyo Xawaadle waxaana la sheegaya inuu salka ku hayo lahaanshaha dhul daaqsimeed.

Isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa waxaa la dhigay ku dhawaad 17 ruux oo qabay dhaawacyo kala duwan iyadoo halkaasi lagu baxnaaninayo, sida maamulka isbitaalka ay sheegeen.

Agaasimaha isbitaalka magaalada Beledweyne Axmed Maxamed Khaliif  ayaa sheegay in shan kamid ah dadkaasi ay qabaan dhaawacyo halis ah, isagoo cadeeyay in lagu sameeyay qaliin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in 11 kale ay qabaan dhaawacyo aan weyneyn ayna ku dadaalayaan caafimaadkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib marki mid kamid ah maleeshiyaadka dagaalamaya ay dulaan ku qaaday maleeshiyada oo horay dagaal uu ku dhexmaray deegaankaasi.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa inaysan wali ka hadlin dagaalada kasoo cusboonaaday duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waxaa wali jirta xiisad iyo saansaan colaadeed oo ka taagan duleedka magaalada Beledweyne iyadoo laga baqayo in markale uu dagaal ka dhaco deegaanadii maanta lagu dagaalamay.

Caasimada Online

Xafiiska Hiiraan

Caasimada@live.com