XOG: Heshiiska Ereg iyo Indha-Cadde oo uu ka war-helay XASAN SHEEKH !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kullan ku saabsan hub ka dhigista siyaasiyiinta Muqdisho iyo tuhunno la xiriira la yeeshay wasiirka amniga dowladda Khaliif Ereg, sida ay xubno Villa Somalia ku sugan u sheegeen Caasimada Online.

Kullanka ayaa yimid, kadib markii ay soo baxeen shakiyo ku saabsan in Ereg uu la wareegay hub uu lahaa General Indha-Cadde oo ay isku beel yihiin, si aysan dowladda uga qaadan, sida ay Caasimada Online shaacisay toddobaad ka hor.

Madaxweynaha ayaa sida la sheegay Ereg wax ka weydiiyey arrintaas, isaga oo u sheegay in saraakiil sare oo dowladda ka tirsan ay arrintaan kusoo war-geliyeey, ayna tahay wax aan la aqbali kari, kana fog dowladnimada iyo caddaaladda.

Wasiir Ereg, ayaa sida warku sheegayo beeniyey tuhunka laga qabo, isaga oo madaxweynaha ku qanciyey in haddii arrimahaas lagu soo caddeeyo uu diyaar u yahay inuu xilka wasiirnimo ka dego, hase yeeshee su’aashu ay tahay cidda ku caddeyn doonta.

Magaalada Muqdisho, ayaa lagu weeraray siyaasiyiin badan oo hub ku dhex haysta magaalada, hase yeeshee waxaa Ereg lagu eedeeyey inuu diiday in la weeraro Indha-Cadde, isaga oo sidoo kalena hubkiisa si qarsoodi ah kula wareegay, si uu uga nabad galo weerarada dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com