Nairobi: Xildhibaano soo saaray go’aan 4 qodob ka kooban oo ka dhan ah…

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee fasaxa u joogga Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen xil ka qaadistii lagu sameeyay Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Ilaa 20 Xildhibaano oo maanta kulan ku yeelatay Magaalada Nairobi, ayaa waxay kulankoodaan ka soo saareen mowqifkooda ku aadan go’aankii Golaha Wasiirada ee xilka kaga qaadeen Sanbaloolshe iyo taageeradii uu taageeray Guddiga Amniga ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) oo Saxaafada la hadlay isagoo ku hadlaaya magaca 20-ka Xildhibaano, ayaa wuxuu daaha ka rogay inay taageersan yihiin xil ka qaadista lagu sameeyay Sanbaloolshe.

Waxa uu Saxaafada u akhriyay ilaa afar qodobo oo ay ka soo saareen fadhigii ay maanta yeesheen, waxayna qodobada ka turjumayaan waxa ay kaga horyimaadeen Sanbaloolshe.

Qodobada

1 – In uu geystay falal ku xudub ah Dastuurka Somaliya, isla-markaana uu xiray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

2 – Inay soo dhaweynayaan xil ka qaadistii ay Golaha Wasiiradu ku sameeyeen Sanbaloolshe

3 – Inay soo dhaweynayaan raaligelintii ay Golaha Wasiiradu ka bixiyeen xarigii Xildhibaanka

4 – Inay taageersan yihiin baaqii shalay ka soo yeeray Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Somaliya ee lagu taageeray xil ka qadista Sanbaloolshe.

Xildhibaan Goodir, ayaa cadeeyay in xil ka qaadista lagu sameeyay Sanbaloolshe uu qabo Dastuurka Somaliya, maadaama uu ka horyimid ku dhaqanka Dastuurka, sida uu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com