Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaarayo Xarunta Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” uu maalmaha soo socdo ku wajahan yahay Dalka Talyaaniga.
Wararku waxa ay sheegayaan in dhigiisa Gobolka Roma uu ka helay Casuumaad, iyadoona la sheegay in halkaasi uu kulamo khuseeya Gobolka Banaadir kula qaadan doono Madaxda Gobolka Roma.
Mungaab ayaa la filayaa in gudaha Asbuucaani uu halkaasi u safri doono, waxa ayna Casuumaadaasi ka danbeysay ka gadaal markii uu Mungaab Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Gobolka ku qaabilay Danjiraha Dalka Talyaaniga u fadhiya Somalia Farbizio Marcelli oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka, gaar ahaan tan dowladda Hoose.
Lama Oga goorta rasmiga ah oo uu Guddoomiyaha ka anbabixi doono Magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in safarkiisa uu kamid noqon doono Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho