Sawiro: Qeybdiid oo ka degay magaalo kale & garoomadi Gaalkacyo oo xirmay

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”uu ka dagay Garoonka Degmada Cadaado kadib markii Garoomadii Magaalada Gaalkacyo ay Xirmeen Amaro ka soo kala baxay Labada Maamul.

Wafdiga uu Hogaaminayo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka Dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Ka dagida Cabdi Qeybdiid Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa imaaneeysa xili Labada Garoon ee kuyaala Gaalkacyo oo ay kala Arimiyaan Puntland iyo Galmudug lagu Xiray Amaro Maamulada kasoo baxay, waxaana Xanimaadaas ay saameeyn ku yeelatay Dadka Shacabkaa ee Gobolka Mudug kunool.

Shalay ilaa Maanta Garoonka Gaalkacyo ayaa waxaa ku xaniman Xujeey doonayay in ay Garoonka ka dhoofaan oo gaaraya 270 Ruux.

qayb1qayb2qayb3qayb4qayb5qayb6qayb7