May u booyaan afkaarta wax dhiseysa

Anigoo aan in mudo ah wax qorin xagga maqaalada lagu daabaco baraha internet-ka, ayaa waxaan dhowr cisho ka hor la kulmay hees cusub oo sabeyneysa YouTube-ka looguna magac daray (GOBOLAYSI DIIDA) Heestan waxaa miraheeda iska leh nin magaciisa aan ka dhex maqlay heesta xayeysiiskeeda hore oo lagu magacaabo Cabdifataax Cabdi Wagad, waxaa laxankeeda leh Cabdi Shire Jaamac (Jooqle) iyo Xusseen Shire Ciyaar Jecel, isla iyaga iyo fanaaniin kale oo dumar iyo ragba leh baa ku luqeynaya, kooxduna waa Qeylo Dhaan.

Heestan waxaa miraheeda ka mida (daris iyo walaal iyo dan wadaag ayaanu nahay, waxey nagu dagayaan oo nagu dagayaan anaga nagu dagayaan. Waa qabiil daahsoon iyo colaad daah la saaree goboleysi diida).

Waxaa heesta hal ku dhag u ah erayga (goboleysi diida) oo sida aan u fahmay ay ula jeedaan nidaamka federal-ka ay Soomaaliya qaadatay. Heesta waa hees macaan oo laga dhadhan karo wadaniyad, qiiro iyo dareen xamaasadeysan.

Waa xuruuf iyo odhaah wanaagsan, loolase jeedo ama ay ku qarsoon yihiin wax khaldan.
Federal ku WAA wax la iska badeli karo maalintii loo baahdo, waxaa muhiim ah in wadankan nabad iyo kala danbeyn helo, 20 sano kadib in weli taagnaado “wax baan diidnay” waa arin aan wadaniyadda meel ka soo gelin.

Dagaalkii dhex maray Cali Bin Abi Dhalib (Alle raali haka noqdee) iyo Mucaawiye oo isna saxaabi ahaa, ayaa lagu heshiiyey in dagaalka saxaabada dhexdeeda la joojiyo guddina loo saaro xal kama danbeys ah ku dhameeya oo 2da dhinac ka kala socda.
Arinkaa waxaa ka carooday dhalinyaro ka mid aheyd ciidankii sayid Cali (Alle raali haka noqdee) kuwaa soo waagii danbe loo baxshay ama loogu yeeri jiray (Khawaarij) ayaa waxey ku yiraahdeen Cali, Caliyow ma adigoo Kitaabka Alle arkaya ayaad ogolaatay in bini aadan loo xukun tago, markaasaa Cali ku yiri sidaa moodeen arinku maaha ee is dajiya, waxey yiraahdeen maya لأحكم الاللة oo macnaheedu yahay (ma jiro xukun aan kan Alle aheyn), Cali wuxuu ugu jawaabay لا واللة هى كلمة الحق يراد بها باطل maya wallaahi waa odhaah saxa oo loola jeedo wax qaldan, waxey aheyd odhaah cajiib ah oo caan baxday, hadalkaa danbe ee sayid Cali Alle raali haka noqdee.

Haatan kooxda Qeylo Dhaan 20 sanno kadib, wixii bur bur ahaa, dagaalo sokeeye, argagixiso, qarax iyo miino, burcad badeed iyo tahriib waxey weli u baahi qabaan wax la diido, erayada macaan ee heesta iyo macanaha qiirada leh waa
كلمة الحق يراد بها باطل, odhaah wanaagsan oo meel qaldan la dhigayo.

Akhristow waxaa hubaal ah 20 sano kadib markaan federal ku heshiinay in xalkii soo dhawaaday oo maanta Soomaaliyi dhaanto 10 sano ka hor saan aheyn.

Kadib dagaalkii Badar ee Qureesh looga adkaaday ayaa Carabi waxey isku dhaarsadeen in la is adkeeyo oo aan la niyad jabin waxaana la mamnuucay in la booyo oo loo baroorto raggii wax ku oolka ahaa ee Qureysh laga dilay. Haddaba maalin maalmaha ka mida ayaa odey waayeel ah waxa uu maqlay guri laga booyayo (barooranayo), odeygii baa yiri “war ii soo hubiya ma boohintii baa la fasaxay” kadib markii loo soo hubiyey baa waxaa loo Sheegay boohintii inaan la fasixin ee qofka barooranayaa ay tahay haweeney uu ka lumay Owr “rati” ay laheyd.

Odeygii oo qaadan waayey in rati ama owr loo baroorto iyadoo ay dhul hoostii ku jiraan (qabri) raggii wax ku oolka ahaa ee carbeed baa gabyey oo wuxuu yiri أتبكي ان يضل بعيرا ، ويمنعها من النوم السهود، الا تبكي لفلان وفلان. Oo macnaheedu yahay (ma waxey u booyeysaa owr ka lumay, Oo hurdadii u diiday soo jeedna ku riday. Aalla mey u boydo hebel iyo hebel.

Haatan kooxda Qeylo Dhaan ma waxey u booyayaan bur bur iyo dhibaato in lagu sii jiro iyo afkaar wax dumineysa, Alla mey u booyaan afkaarta wax dhiseysa ee aan ma dhaleyska aheyn ama horumar ka leh.

Maasadii Max’ed Ibraahim Warsame Hadraawi waxey aheyd (Wuxuu yiri miro daray duuduub ha lagu liqo, waxaa aanu kuba darin, in la yiri halaga dayo dixri inuu ku hoos jiro). Haddaba akhristow miyaanu kuula muuqan in Kooxda Qeylo Dhaan ay miro daray duuduub nagu liqsiineyso, maadaama aanan maqal dhowr iyo 20-kii sanno dumi mooyee daa aanan la maqal.

W/Q: SAID ABDI HIRSI
Los Angels, California.
somalitimes@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid