Daawo: Xuseen Ceydiid oo xog cusub ka bixiyey dilkii Gen. Ceydiid & Zenawi

Kampala (Caasimada Online) – Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa sheegay in aabahiis uu u dhintay sun loo raacsiiyay faleebo ku socotay xilli uu ku dhaawacmay rasaas ka haleeshay dhabarka.

Xuseen Caydiid oo ka xog waramayay sida loo dilay aabahiis wuxuu tibaaxay in dilkiisa ay fuliyeen dad uu garanayo oo Soomaali iyo ajaaniib isugu jira.

“Waan cafiyay kuwii dilay aabaheey, kama aargoosan laakiin faleebo ku socotay ayaa cirbad suna loo raacsiiyay” ayuu yiri Xuseen Ceydiid.

Xuseen Caydiid, wuxuu sidoo kale sheegay inuu maqlay sheekada la xiriirta in Meles Zenawi u dhintay sun Sirdoonka reer Galbeedka qaadsiiyeen kadib markii uu Ukraine ka dalbaday 800 oo Taangi.

Taangiyadaas inta uu dalban ka hor, Warqad uu qoray Meles Zenawi wuxuu ku yiri “Hoowlgalkii Somalia waa ku fashilmay laakiin mar labaad kuma fashilmi doono”

Diblomaasiyiintu waxay sheegeen in Meles Zenawi taangiyada uu dalbaday ku qabsan rabay Dekadaha Somalia iyo Eretria.

Halkan ka daawo Xuseen Ceydiid