32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dagaal beeleedyo mar kale ka qarxay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi uu mar kale ka qarxay Dagaal xoogan oo la sheegay inuu u dhexeeyay Maleeshiyo beelaad halkaasi wada dega.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ka dhacay Deegaano u dhexeeya Gurceel iyo Balanbal, iyadoona halkaasi ay ku geeriyooden dad isugu jira shacab iyo maleeshiyada uu dagaalka u dhexeeyay.

Inta la xaqiijiyay Dagaalka ayaa waxaa ku Geeriyooday ilaa 6 Ruux iyadoona tiro intaa ka badan uu soo gaaray dhaawac.

Dhanka kale, Dagaalka ayaa sababay barakaca inkabadan 60 qoys kuwaasi oo sababsaday Dagaalka, mana jirto cid ilaa iyo iminka iska xilsaartay joojinta Dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News