Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha ee sababay inay Golayaasha Qaranka ku kala qeybsamaan.
Prof. Geeddi oo xalay Wareysi Khaas ah siiyey Idaacadda Dalsan Radio, ayaa ka digay inaan la burburin Dowladda Federalka ee curdanka ah, wuxuuna sheegay inuusan burburkaasi dan u ahayn Ummadda Soomaaliyeed.
Waxa uu si qoto dheer uga hadlay guul-darradda lagala kulmi karo Khilaafka Madaxda Qaranka, wuxuuna sheegay inaysan guul ahayn in la kala adkaado.
Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu farta ku fiiqay in loo baahan yahay in wada-hadal lagu xaliyo khilaafka, lana heshiiyo.
Waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha is-khilaafsan inay khilaafooda ka heshiiyaan, haddii ay taasi dhici weydana in lagu kala baxo Dastuurka Qaranka.
“Micno siyaasadeed ma laha in la kala adkaado, waxaana habboon in Khilaafka Madaxda la xaliyo” ayuu yiri Prof. Geeddi oo isagu khibrad u leh waxa laga dhaxli karo Khilaafyadda noocaasi ah.
Waxa uu sheegay inaysan Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha oo keliya ahayn Mas’uuliyiinta Qaranka, dalka waxa uu leeyahay Dastuur, Golayaal Qaran iyo Waxgarad.
Wuxuuna ku taliyey in si Dastuuri ah lagu dhameeyo Khilaafkaas.
“Barlamaan iyo Xukuumad Kala jaban xal laguma gaarayo” ayuu sii raaciyey Ra’isul-wasaarihii hore ee Somalia.
Hadalka Prof. Cali Geeddi ayaa ku soo beegmayo, iyadoo uu Khilaafka Madaxda Dowladda sii laba lixsaadsanayo, isla markaana loo caal la’ yahay in wada-hadal lagu dhameeyo Khilaafka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]