31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Afduub & kufsi aan noociisa horay loo arag oo ka dhacay GOBOLKA HIIRAAN

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi lagu afduubtay Afar Haween ah oo rakaab ahaa, kuwaasi oo lagala dagay gaarigii ay saarnaayeen.

Afduubashada Haweenkaasi oo u dhacday si cajiib ah ayaa waxa ay ka dhacday deegan Magaalada Baladweyne u jirta ugu yaraan 80 KM gaar ahaan ku beegan dhanka Galbeed oo lagu magacaabo Buqa Qable.

Sidoo kale, waxaa dhaawac culus loo geystay darawalkii gaariga waday oo ka dhaga adeegay dajinta dumarkaasi.

Arrinta afduubka ayaa waxaa ka hadlay Maxamed Cusmaan oo ah Guddoomiyaha Baladweyne iyo Taliyaha Saldhigga Baladweyne Cali Dhuux, ayaa sheegay in Afduubka noocaasi ah uu ku cusub yahay islamarkaana ay xogtu ku heleen in afduubka kadib haweenkaasi lagula kacay Kufsi, sida ay warka u dhigeen.

Waxa ay intaasi ku dareen in aysan jirin cid saldhiga timid oo keentey dacwad la xiriirta kufsi, sidaana lagu la’ yahay geerida iyo nolosha Afartaasi dumar qaab rakaab ahaan loo afduubtay.

Dhanka kale, Bil ka hor isla deegaankani waxaa ka dhacay fal kan oo kale ah oo lagu kufsaday 3 dumar ah oo iyaguna rakaab ahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey sharci oga soo saartay kufsiga kaasi oo ciqaabtiisa laga dhigey dil toogasho ah, iyada oo dhawaan bishan dhexdeeda nin kufsi geystey lagu xukumey xukun dil ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News