28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Maxey Ahlusunna ka tiri hadalkii kasoo yeeray Xasan Sheekh ee ahaa in ciida..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay Madaxweyne Xassan Sheekh shaaciyay in DF Somalia, ay daneyneyso Isku Dhafka Ciidamada, ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay Maamulka Ahlusunna Wal-jameeca.

Sheekh Isaaq Al-Qaadi oo ah Afayeenka Dhaqdhaqaaqa Ahlu Suna Waljamaaca ee Koonfurta Somala, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay kasoo horjeedan haddalka uu Madxaweyne Xassan sheegay.

Waxa uu sheegay in marnaba ciidamadooda aanan lagu dhafi doonin ciidamada dowladda sida uu yahay qorshe uu dhawaan shaaciyey madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Sheekh Isaaq Al-Qaadi, ayaa sheegay in Ciidamada militeriga Maamulka ay yihiin kuwa in muddo ah soo jiray, sidaa darteedna aysan suuragaleynin in lagu dhafo kuwa DF Somalia.

Dhanka kale, Sheekh Isaaq Al-Qaadi wuxuu farta ku fiiqay in horey uu u jirey heshiis dhexmaray ururkooda iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo dowladsa ku eedeeyey in ay fulin weysey heshiiskaasi, sidaasi darteedna aysan haatan jirin wax lagu aamini karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News