26.4 C
Mogadishu
Monday, December 15, 2025

”Wada-hadallada DF SOOMAALIYA iyo S/Land fashil ayey kusoo idlaanayaan”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-C/llaahi Sheikh Xasan oo ah Gudoomiyaha Xisbiyada Mucaaradka Somalia, ayaa si adag u dhaliilay wada hadalada u dhexeeyo DF iyo Maamulka Somaliland.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Wafdiyada Wadahadalka u matalaaya Labada Dhinac ay san ka hadlin waxa ay Shacabka Muqdisho iyo Hargeysa doonayaan.

Waxa uu tilmaamay in ka xisbi ahaan aysan wada hadaladaasi ka fileynin guulo laga gaaro kala aragti duwanaanshaha.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”waxaa noo muuqaneysa in Fashil uu kusoo idlaan doono wada xaajoodka Wufuuda DF Somalia iyo Maamulka Somaliland, waayo waxa ay noqdeen kuwa is hor fadhiista hadana aan xaqiiqda ka miro dhalin maadaama aysan ka hadlin arrimaha shacabka khuseeya”

Dhanka kale, C/llaahi Shiekh Xasan ayaa sheegay in intii uu socday Wadahadalka aan la isla soo qaadin Arrinta ugu muhiimsan ee ah Go’ itaanka Maamulka Somaliland,taas oo ah Muhiimada ugu weyn ee Wadahadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News