27.8 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Holland oo billowday arrin qarsoodi ah oo ka dhan Somalida dalkaas (VIDEO)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dowlada Holland ayaa waxaa ay bilowday inay si qorsoodi ah dalka Soomaaliya ugu celiso dadka Soomaalida ah oo ay sharciga dalkeeda u diido, kadib markii ay hishiis qarsoodi ah oo aan la shaacin mas’uulka la saxiiday ay la gashay dowlada Soomaaliya.

Saaka ayaa garoonka diyaaradaha ee Amsterdam ee Holland laga dhoofiyey 16 qof oo dhallinyarada aan xaasaska laheyn ee kalikood nool, kuwaasi oo sharciga dalka Holland loo diiday. Sida uu inuu sheegay Agaasimaha dallada Soomaalida ay  ku mideysan yihiin ee FSAN Dr, Ali Awaare.

Waxaana uu Guddoomiye Ali Awaare ku sheegay wareysi uu la yeeshay wariye Abdiweli Garyare in arrintan ay qatar ku tahay xaalka Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Holland iyo dalalka kale ee Yurub. Waxaana uu sheegay inay arrintaasi dadaal xooggan u galeen sidii looga  hortegi lahaa.

Shir degdeg ah oo ay madaxda dallada FSAN isugu yimaadeen ayaa waxaa uu ka sheegay in wasiirka cadaalada Holland uu u cadeeyey baarlamaanka Holland inay heystaan hishiis hoose oo ay la galeen dowlada Soomaaliya gaar ahaan wasiirka Amniga QARANka Khaliif Ereg.

“Waa wax laga xumaado in dad xoog lagu musaafuriyo waliba lagu celiyo Soomaaliya oo xaalkeeda la ogyahay inuu qatar yahay, waxaana taasi u aragnaa mid aysan xaq u laheyn dowlada Holland iyo madaxda dowlada Soomaaliyeed ee hishiiskaasi wax ka saxiixay”ayuu yiri Dr, Ali Awaare.

Dadka saaka laga dhoofiyey Amsterdam ayaa waxaa lagu sii hakinayaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kadibna ay maalinta Barri ah toos looga dejin doono magaalada Muqdisho. Waxaana dowlada Soomaaliya loogu baaqay inaysan arrintaasi fududeysan oo ay dadkaasi dib ugu soo celiyaan diyaarada lagu keenay.

Sida xogta la helayo ay sheegeyso maalinkasta oo axad ah ay dowlada Holland tarxiili doonto Soomaalida raga dhallinyarada ah ee aan sharciga aheyn.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeynayaa inaysan ka fakarin qatarta ay la kulmi karaan dadka ay fududeynayaan in dalka lagu soo celiyo, iyaddoo la ogyahay halista ay ku jiraan kuwa dalka horey usii joogay. Balse dowlada ayaa dhaqaalaha la siinayo un fiirsanaya .

Si aad wax badan uga ogaato xaalka dadkaasi xoogga lagu musaafuriyey dhageyso wareysiga Dr, Ali Awaare uu siiyey wariye Abdiweli Garyare oo Universal uga soo warama Holland:

- Advertisement -

Read more

Local News