29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dhageyso: Maxaa ka cusub Baydhaba

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa tirada dhimashada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Tirada dhimashada ayaa gaartay inka badan 15 ruux, waxaana tirashada dhaawacyada lagu sheegay inay gaarayaan 20 ruux kuwaasi oo dhamaantood ku sugnaa maqaayad ku taala magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow, ayaa sheegay inay ka baqayaan in tirada dhimashada ay intaasi ka badan karto, maadaama ay jiraan buu yiri dad dhaawacyadooda ay qaateen qaraabadooda.

Waxaa maanta magaalada ka socda baaritaan ciidamada ay sameynayaan, iyadoo dadka ehelada ah kuwii dhintay ay isku diyaarinayaan inay aastaan meydadka qarabadooda.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay baaritaan ku aadan sida weerarka u dhacay iyo dadka ka dambeeyay, ayna ka warbixin doonaan marka uu soo idlaado baaritaanka sida uu hadalka u dhigay.

Maalintii Arbacada magaalada Baydhabo waxaa lagu caleemo saaray madaxweynaha maamulka koofur galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News