Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub oo aan ka helnay ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Somaliland, ayaa sheegeysa in Wasiirka warfaafinta Maamulka Somaliland uu beelay mid kamid ah gacmihiisa.
Cabdulahi Cukuse, Wasiirka warfaafinta Maamulka ayaa waxa uu gacantiisa ku waayay Jug kasoo gaartay gaari la rogmaday xili uu la socday wafdi uu Hogaaminaayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo goortaasi Safar shaqo ku gaaray Gobolada Maamulka, gaar ahaan Sheekh iyo Berbera.
Dhaawaa Wasiirka kadib ayaa waxaa la dhigay Cisbitaal ku yaalla magaaladda Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, ka hor inta aan loo soo qaadin Hargeysa.
Wasiirka ayaa waxaa hadda lagu dabiibayaa Cisbitaal ku yaalla dalka Jarmalka, inkastoo laga deyrinaayo Caafimaadka gacantiisa oo Naafowday, lana sheegay inay dareen beeshay.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

