28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Sharif Xasan oo xildhibaano usoo xero geliyey Xasan oo xaal ku xumaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdish (Caasimada Online) – Iyadoo maanta loo balansan yahay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay cod u qaadaan xukuumada Soomaaliya ayaa xog ay heshay Caasimada Online, waxay sheegaysaa in xildhibaano badan uu helay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay ku bireen dhanka madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo sii kordhisay tirada xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya ee dooneyso inay ridaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xogta Caasimada Online ayaa sheegaysan in ku dhawaad 20 xildhibaan ay ku bireen dhanka madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo qorshaha uu yahay in daaqada laga saaro ra’iisul wasaare C/welli Sheikh Axmed.

Arinta ayaa waxaa gacan weyn ka geystay Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ah madaweynaha maamulka koofur galbeed, kadib markii madaxweyne Xasan Sheikh uu la hishiiyay.

Ilo ku dhow dhow madaxweynaha ayaa sheegaya in 18 xildhibaan ay si rasmi ah ugu biireen dhanka xildhibaanada madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo la safanaya xildhibaanada kale ee taageersan Xasan Sheikh.

Ra’iisul wasaraaha iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa isku khilaafay isku shaandheyn uu C/welli ku sameeyay golaha wasiirada xukuumada gaar ahaan markii uu wasiirka xanaanada xoolaha ka dhigay Faarax Sheikh C/qaadir oo madaxweynah ay isku dhow yihin.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News