Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo maanta la filayo in baarlamanka Soomaaliya uu codka kalsoonida u qaado ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa waxaa soo baxaya warar niyad jab ku abuuri kara taageerayaashiisa.
Xildhibaano ka tirsan baarlamanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaaraha uu habeen hore 89 xildhibaan oo taageersan uu ku casuumay cahso ka dhaceysay hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, balse ay soo xaadireen kaliya 40 xildhibaan.
Sida ay wararku sheegayaan bar ka mid ah cashadii laga dalbay hotelka ayaa lagu war-geliyey in dib looga laabto. Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta ay u baaqedeen xildhibaanada, balse waxaa la sheegay inay taasi niyad jebisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sida qorshuhu ahaa halkaas ka billaabi lahaa qeybinta qeyb ka mid ah lacag dhan toddoba boqol oo kun oo dollar, si uu codad badan u kasbado. Maalmihii ugu dambeeyey Cabdi Weli waxaa gaarayey dhaqaale badan, taasi oo walaacisay kooxda Xasan Sheekh.
XIldhibaanada taageersan ra’iisul wasaaraha ayaa ku adkeysanaya inay ku kalsoon yihiin inay maanta ka adkaan doonaan xldhibaanada wada mooshinka, ayaga oo baaqashada xildhibaanada u gooyey cashada ku macneeyey arrimo kale, balse taageerada ra’iisul wasaaraha ay weli xoogan tahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

