Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Saakay dib u bilaabay la kulanka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ku kala aragti duwan Mooshinka laga keenay Xukuumada Ra’iisal wasaare C/wali Sheeekh.
Madaxweynaha ayaa waxa uu Saakay Xildhibaanadaasi kala hadlay qaabka ugu haboon ee lagu hirgalin lahaa Codka Kalsoonida lagala laaban lahaa R/W C/weli Sheekh Axmed, waxaana la soo sheegayaa in Madaxweynaha uu Xildhibaanadaasi ku dhiiragaliyey inaysan maskaxdooda beddelin
Wararku waxa ay nagu soo gaarayaan in kulanka ay joogeen ilaa 72 Xildhibaan kuwaasi oo la filaayo in Baarlamaanka ay kasii aadi doonaan dhanka Madaxtooyada waxaana kulankaasi kamid ah Xildhibaano taageersanaa R/W C/weli, oo lagu qal-qaalinayo inay soo raacaan dhanka madaxweynaha.
Warar ka madax banaan labada dhinac ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlay xildhibaanada mooshinka diidan, Mooshinka iyo sharci ahaanshihiisa isagoo sheegay in mooshinkan uu yahay mid sharci ah, loona baahan yahay in ay isdejiyaan una daayaan ka hadalkiisa gudoonka Baarlamaanka, Balse sida wararku sheegayaan hadalkan madaxweynaha waxaa shirka uga kacay qaarka mida xildhibaanada.
Madaxweynaha ayaan illaa xalay seexaan oo taageero badan u raadinayey codka kalsoonida ee loo qaadayo R/W Cabdi Weli.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

