28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xasan oo xalay wareegayey hoteellada Muqdisho & diyaarad Nairobi loo diray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay wareegayey hoteellada magaalada Muqdisho, isaga oo raadinaya codadka xildhibaano rida ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Xildhibaanno badan ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu xalay ugu yimid hoteeladooda Muqdisho, isaga oo ka codsaday inay codadkooda ku biiriyaan mooshinka ka dhanka ah Cabdi Weli.

Sida ay wararku sheegayaan, waxaa jira walaac xoggan oo haysta madaxweynaha iyo kooxdiisa oo ku saabsan inay codad ku filan u heli waayaan riditaanka R/W Cabdi Weli.

Inkasta oo madaxweynaha iyo kooxdiisa ay haystaan codad ka badan kooxda Cabdi Weli, haddana waxaa la sheegayaa inaysan ahayn aqlabiyad xoggan oo la isku haleyn karo, taasi oo walaac xooggan abuurtay.

“Kooxda madaxweynaha wax sidaas u badan kama taageero badna ra’iisul wasaaraha, sidaa darteedna xildhibaano yar oo maskadooda gadaal ka baddala, ayaa wax kasta ku dheeli kara” ayuu yiri xildhiban la hadlay Caasimada Online.

Dhinaca kale, kooxda Xasan Sheekh ayaa xalay diyaarad u diray Naiorbi, si halkaas looga soo qaado xidlhibaano badan oo taageersan, waxaana la filayaa in diyaaraddaas ay goor dhwo timaado Muqdisho, ayada oo xidlhibaanada saaranana ay ka qeyb gali doonaan kullanka maanta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News