27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Axmed Madobe oo ku kacay arrin culus oo aan lagala tashan DF Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Madoobe uu bixiyey amar shaqada looga ruqseeyay ciidamo ka tirsanaa kuwa Militeriga ah ee DF ee jooga Jubbooyinka.

Ciidamada la ruqseeyay ayaa waxa uu kusoo bedelay Ciidamo la sheegay inay yihiin Soomaalida Ethiopia kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya ilaa 800 oo aan keenistooda lagala tashan Dowlada Federaalka ah ee Somalia, gaar ahaan Wasaarada Gaashandhiga.

Sidoo kale, Ciidamadaani ayaa la sheegay inay ku howlgali doonaan qaab Ciidamo Soomaali ah, waxaana la soo warinayaa in arrintaani ay isku Khilaafsan yihiin Madaxda Maamulka oo aan qaarkood lagala tashan.

Ciidamadaani faraha badan ayaa waxaa la dajiyay Xarun ciidan oo aan sidaa uga sii fogeyn Madaxtooyada Kismaayo.

Xuseen Axmed oo kamid ah Saraakiisha Maamulka Jubba ayaa sheegay in Hogaamiyaha Maamulka uu wado qorsho uu ku ciribtiraayo Ciidamada Maamulka, waxa uuna sheegay inuu doonayo in Ciidamada badi uu ka dhigo kuwo laga kala keenay Kilinka Shanaad.

Dhanka kale, Arrintaani ayaa waxa ay imaaneysaa iyadoo dhawaan ay heshiis wada galeen DF Somalia iyo Maamulka Jubba, waxa ayna tani muujineysaa in laga weecday Heshiisyadii dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News