Dhageyso: Koneyl caan ka ah Puntland oo u taaggan xilka ra’iisul wasaaraha!!

Garoowe (Caasimada Online) – Korneyl Maxamed Xaaji Aadan oo caan ka ah deegaanada Puntland ah ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay musharax u taagan xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Korneylka oo wareysi siiyey idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday damaciisa siyaasadeed, waxaana uu sheegay inuu heysto taageerada dadka, isimada iyo siyaasiyiinta gobolka Nugaal.

Wareysiga ayuu sidoo kale kusoo dhoweeyey habkii baarlamanka ay u mareen xil ka qaadista ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, isagoona ugu hambalyeeyey Cabdi Weli sida uu u aqbalay go’aanka.

Waxa kale oo uu sheegay inuu xiriir la sameeyey madaxtooyada Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com