HOOYO IYO WIILKEEDA OO LA DILAY !

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno gobolka Galgaduud kooxo hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa waxay dileen wiil iyo hooyadii oo hal meel ku wada sugnaa.

Masuuliyiinta maamulka degmada Guriceel ayaa ka hadlay arinta ka dhacday deegaanka Bali-og oo qiyaastii 60 Km u jira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxayna sheegeen inay wadaan baaritaano arintaasi ku aadan.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Guriceel Cali Baashi Aadan Diiriye, ayaa sheegay inay sameynayaan baaritaan lagu ogaanayo dadka dilka ka dambeeyay, laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in aanooyin qabiil dadkaasi loo dilay.

Wariye ku sugan gobolka Galgaduud ayaa inoo sheegay in dadka dilka geystay ay ka baxsadeen deegaanka markii ay ku dileen wiilka iyo hooyadii.

Meydka wiilka iyo hooyadii ayaa loo qaaday deegaank Xeraale, waxaana la sheegayaa inay kasoo jeedaan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Gobolka ayaa waxaa dhawaanahaan ka dhacayay falal aargoosi ah, kadib markii dagaalo ay ka dhaceen deegaan ku yaala xuduuda ay wadaagaan gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com